Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabaylwac
dareerin2  Wadarta tibxaha ee susun. Guud ahaan, waa tibaax leh sansaanka ah x1 + x2 + x3 + x4 +... taas oo x1 ay yihiin tirooyin maanagal ah ama murakab ah (series). dareerin-aritmatig  D. tibxaheedu ay sammeeyaan susun aritmatig.
dareerin-aroorta  D. tirada tibxaha ay yihiin makoobane.
dareerin-joometeri  D. saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horeysa uu yahay madoorsoome.
dareerin-kalahaad  D. oo wadarta dhammaan tibxaha ka dambeeya tibixda n-aad aan dhinmin marka ay n-korodho.
dareerin-koobane  (xis.) D. tirada tibxaheedu ay koobanyihiin ama ay jirto tibix susuntu ay ku dhammaato.
dareerin-makoobane  (xis.) D. tirada tibxaheedu ay yihiin makoobane ama aan jirin jibix ay susuntu ku dhammaato.
dareeris1  ld dareerin¹. dareeris2  Dareerin dhacaan ku jira meel jirka ka mid ah sida biyaha isgoosyada xubnaha gala ama malax ama kaadi qof kaadi ku dhagtay. dareerka dhiigga  Milanka ka soo hara markuu dhiig xargago. Seeramku waxay u dhigantaa balasmada, laakiin waxa ka maqan borotein la yiraahdo fibrinogen iyo walax kale oo hab hawleedka xargagidda loo isticmaalay.
dareersad  ld dareersasho.
dareersasho  eeg dareerso. ld dareersad, dureersad, dureersasho.
dareerso  Xoolo meel ay tuurnaayeen ka kaxaysasho. ld dureerso.
dareerto  1. Lafta dheer ee dhabarka. 2. Meesha godan, sanka hoostiisa ku beegan ee bishinta sare kala barta.
dareewal  1. Qof shaqadiisu tahay baabuur wadidda; shufeer, wade. 2. Qof yaqaan sida baabuurka lo wado. ld direewal.
darfac  ld dafac.
darfi  1. Derin, maro iwm daraf u yeelid. 2. Hoore qubid.
darfiyid  eeg darfi.
darfooley  Nooc dermooyinka ka mid ah oo darfo casaan ah leh.
dargad  1. Dhisme dhulka ka kacsan oo kaneecada laga fuulo ama miraha lagu qallajiyo. 2. Sariir yar oo ilmaha dhashay la seexiyo. ld daragad.
dargashabeel  ld durgeyshabeel.
darib  Hilibka geela intiisa baruurta leh. ld darab² (2).
darid  eeg dar³. ld daris.
dariiq  1. Waddo yar oo dadka iyo xooluhu qaadaan. 2.Bayd faal oo afartiisa hagood tahay min hal.
dariiqo  Jameeco wadaaddo ah, leh maamul, digri iyo ducooyin u gaar ah, kuna abtirsata shiikh weyn.
dariir  Laf hilib ka dhammayn.
dariiran  Laf, wax la dariiray ahaansho.
dariirid  eeg dariir.
dariirnaan  eeg dariiran. ld dariirnaansho.
dariirnaansho  ld dariirnaan.
page : 55 of 218
<< < 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 > >>

 

Exit mobile version