Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: caynaano
gefsi  ld gefsash.
gefso  Neef curad ah muddo rimi waayi.
geftin  Gees; gaw; daca.
gegi  1. Meel didib ah, bannaan, aan weynayn, oo aan dhir lahayn. 2. Garoon. ld gego, jeg.
gego  ld geg.
gelbi  ld galb.
gelbin  ld galbi.
gelbis  ld galbi.
gelengel  Meel cidlo ah oo aan dhir iyo dhisme midna lahay.
gelgelin  Barxad yar oo boor badan oo geela iyo dameeruhu ku galgashaan si ay takarta iwm isaga reebaa.
geli  Cid, wax dhaxdii, wax kale gaarsiin, ku ridi.
gelid  eeg gal³. ld galmo, galniin, gelis², gelitaan, gelnii.
gelin1  1. Maalinta ama habeenka barkooda hore ama dambe. 2. Cala. gelin2  eeg geli. ld gelis. gelin-dambe  1. Habeenka oo laba meelood loo dhigo qaybtiisa dambe. 2. Maalinta oo laba meelood loo dhigay qaybteeda dambe. ld gelin-dambee.
gelin-dambeed  1.Lixda saacadood oo maalinta ugu dambeysa. 2.Afarta saacadood oo habeenka ugu dambeeya. ld gelin-damb.
gelindhexaad  ld gelindhex.
gelindhexe  Habeenka oo saddex qaybood loo dhigo qaybtiisa dhexe. ld gelindhex.
gelinhoraad  Habeenka oo saddex qaybood loo dhigay qaybtiisa hor.
gelinsii  Cid wax ka dhaadhici.
gelinsiin  eeg gelinsii. ld gelinsii.
gelinsiis  ld gelinsii.
gelinsocod  Qiyaasta la socdo maalin gelinkee.
gelis1  ld geli. gelis2  ld geli. gelitaan  1. Irid laga galo meel. 2. ld geli.
gelliimid  eeg gelliin². ld galliimi.
gelliin1  1. Gelid. 2. Heshiisiinta laba dhinac oo dhibaato dhex taal. ld galliin. gelliin2  U g.: Laba dhinac ee dhibaato dhex taal heshiisiin. ld galliin. gelmi  Cayayaan yar oo duusha oo qaniinyo kulul oo dhuurida u eg. ld kelm.
page : 59 of 102
<< < 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 > >>

 

Exit mobile version