Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: meereysan
dayaafadin ld diyaafadin.
dayaamid eeg dayaan². ld daryaamid, diryaamid, diyaamid.
dayaan (1) 1. Sharqan ama hugun weyn oo ka yimaada durbaan la tumayo, xoolo ama dad badan oo meel isugu yimid. 2. Cod dheer oo buuraha, daaraha, qararka iwm ay soo celiyaan markuu ku dhacay kaddib. ld daryaan¹, diryaan¹, diyaan¹.
dayaan (2) Noqodka hir jabaq ee dul (gebi ama buur) xoogaa innaga fog ay soo celisay, oo ka laciifsan jabaqdii asalka ahayd. Faraqa waqtiga ee ayoonka iyo jabaqda asalka ah, waxa ay muujisaa fogaanta gebiga ama buurta iwm.
dayaan (3) Durbaan, dhul iwm sharqan, hugun weyn ka yeerid. ld daryaan², diryaan², diyaan².
dayaarad ld dayuurad.
dayac (1) Daryeel iyo xannaana la'aan. ld daayacaad.
dayac (2) Wax baylihin ama xannaana xumayn. ld daayac².
dayacan Wax la dayacay ahaansho. ld dayacsan.
dayacid eeg dayac². ld daayacid.
dayacnaan eeg dayacsan. ld dayacnaansho, dayacsanaan, dayacsa- naansho.
dayacnaansho ld dayacnaan.
dayacsan ld dayacan.
dayacsanaan ld dayacnaan.
dayacsanaansho ld dayacnaan.
dayactir (1) 1. Dib u hagaajinta lagu sameeyo guri, qalab iwm oo wax ka xumaadeen. 2. Ka ilaalinta wax laga ilaaliyo darxumada iyo baylahda.
dayactir (2) 1. Guri, qalab iwm wax ka xummaday dib u hagaajin. 2. Wax darxumo iyo baylah ka ilaalin.
dayactiran Wax la dayactiray ahaansho.
dayactirid eeg dayactir².
dayactirnaan eeg dayactiran. ld dayactirnaansho.
dayactirnaansho ld dayactirnaan.
dayasho eeg dayo².
dayax 1. Ife samada sare ku sugan, qooraxda iftiin ka qaata, habeenno dhulka ifiya oo bishii hal mar dhulka ku wareega. 2. Caddo.
dayaxgacmeed (1) Saaruukh.
dayaxgacmeed (2) (c.fal.) Dhinaca xiddigiska, waa shay yar oo ku meeraysta meere korkiisa; dayaxu, tusaale ahaan, waa d.ka dhulka.
dayaxmadoobaad (1) Marka dhulku kala dhex galo qorraxda iyo dayaxa, oo hooska dhulku madoobeeyo dayaxa.
dayaxmadoobaad (2) (c.fal.) Dayax madoobaadku waxa uu dhacaa marka dhulku isku gudbo fallaadhaha ka imanaya qorraxda inta ayn soo gaadhin dayaxa, waxana dayaxa ku dhaca hadhka dhulka.
daydo Roob da'a xilliga guga ah.
dayeysan Wax dayoobay ahaansho.
dayeysii Nafley jahawareerin.
<< < 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 > >>

 

Exit mobile version