Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: jirranaan
asbax (1) A. ah: qof aan nasiib wacan lahayn.
asbax (2) Ku a.: cid dhibaato kula kallihid.
asbiriin (daaw.) Dawo aad loo isticmaalo oo xanuunka, halaamacoodka iyo qandhada bi'isa.
asbixi Ku a.: cid meel, ama wax ku kallihin.
asbixid eeg asbax².
asbixin eeg asbixi.
ascaar eeg sicir.
asduurad ld usduuro.
aseeb ld asiib.
aseebe Nooc kalluunka ka mid ah oo jurmi weyn iyo xoog badan.
aseebid ld asiibid.
aseendo Beer weyn oo geed mirood ku abuuranyahay; awno.
ash A. ma aha: ma fiicna.
ash-ash (1) Yaqyaqsi.
ash-ash (2) Ka a.: wax dhadhankooda, urtooda ama muuqaalkooda ka yaqyaqsasho.
asha-shid eeg ash-ash².
ashaamid Busta madowga badan ee sabuulka maseggada ku dhalata, badarkana madowga ka dhigta.
ashahaadasho eeg ashahaado².
ashahaado (1) Qiritaanka in Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo direy yahay.
ashahaado (2) In Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo diray yahay qirid.
asheer Ka a.: roob da'aya meel dedan oo aan darooreyn ka gelid. ld asheero.
asheerasho ld asheerid.
asheeri Roob da'aya, wax, meel dedan oo aan darooreyn ka gelin.
asheerid eeg asheer. ld asheerasho.
asheerin eeg asheeri.
asheero ld asheer.
ashkatayn ld ashtakayn.
ashkatee ld ashtakee.
ashkato ld ashtako.
ashkatoo ld ashtakoo.
<< < 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 > >>

 

Exit mobile version