Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qoomammays  ld qoomammayn.
qoomammee  Gef la sameeyey ka xumaansho.
qoomammo  Shallayto qof gef sameeyey ku dhacda.
qooman  Wax qooni gaartay noqosho (nafley).
qoombi1  Xubinta uu malayga ka neefsado. qoombi2  Nafley dhutin. qoombin  eeg qoombi².
qoomid  eeg qoon³.
qoomman  Wax qooni gaartay ahaansho (nafley).
qoommanaan  eeg qoomman. ld qoommanaansho.
qoommanaansho  ld qoommanaan.
qoon1  Ummad, dad isku jinsi ah oo meel ku wada nool. qoon2  1. Cudur, dhibaato. 2. (-oomo, m.l) Dhaawac; nabar. qoon3  1. Cid dhaawac gaarsiin. 2. Cid dhibaato gayeysiin. qoon4  Wax dhaawac ama dhibaato gaartay noqosho (nafley). qoondayn  eeg qoondee.
qoondaysasho  eeg qoondayso.
qoondaysi  ld qoondaysasho.
qoondayso  Wax qorsheysasho.
qoondee  Wax qorsheyn.
qoone  1. Miraha geedka baarta. 2. Iniin ku dhex jirta miraha geedka baarta oo inta la farsameeyo loo xiro geela. 3. Geed la qoray oo lagu shubto tubaakada.
qoonmid  eeg qoon4.
qoonqoon  Geed gaab aan qodax lahayn laamo toostoosan o guryaha lagu dhisto leh.
qoonsad  ld qoonsasho.
qoonsasho  eeg qoonso. ld qoonsad, qoonsi, qoonsimaad.
qoonsi  ld qoonsasho.
qoonsimaad  Shaki iyo kahsasho laga qaado wax la nabcaystay. ld qoonsasho.
qoonso  Wax dhibsasho.
qooq1  1. Xoolaha lab siiba awrta sida ay noqdaan xilliga ay diyaar u yihiin inay wax abaahiyaan. 2. Ciyaar; dheel. 3. Kacsi. 4. Kibir; islaweyni. qooq2  1. Xoolo lab qooq ku dhicid. 2. Ciyaarid; dheelid. 3. Dad kibrid. 4. Gabar galmo u baahasho.
page : 64 of 86
<< < 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 > >>

 

Exit mobile version