Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: shirbin
asraarrow Nin cilmiga asraarta yaqaan.
astaad ld ustaad.
astaajir Awr badan oo isku xiriirsan oo xamuul sida.
astaamayn (1) eeg astaamee. ld astayn.
astaamayn (2) (nax.) Astaamo lagu kala qaybiyo hadal qoran sida: hakad, joogsi, kolmo, bilo, laba dhibcood iwm.
astaamaysan Wax astaan loo yeelay ahaansho. ld astaysan.
astaamaysnaan ld astaamaysnaansho, astaysnaan, astaysnaansho.
astaamaysnaansho ld astaamaysnaan.
astaamee Wax astaan u yeelid. ld astee.
astaan (1) Summad. ld asto.
astaan (2) (nax.) Curiye muhim ah oo dhisa unugga ugu yar ee hadalka; astaan afeed baa lagu magacaabaa xiriirka ka dhexeeya macnaha (nuxurka ereyga) iyo lafdiga (qaabka ereyga). “A. kooban”: hal erey ama in ka badan oo la soo koobo, badanaana waxaa la qaataa erey waliba xarafkiisa ugu horreeya. Tus. “sh. = shilin, U.N. = United Nations”.
astaan (3) (daaw.) Tilmaan cudur leeyahay ama isbeddel hab hawleedyo jirka oo bukaanka laftigiisu dareemo. ld asto.
astaaqfurow ld istaaqfurow.
astakayn ld ashtakayn.
astakee ld ashtakee.
astako ld ashkato.
astakoo ld ashtakoo.
astakood ld ashtakood.
astayn ld astaamayn.
astaysan ld astaamaysan.
astaysnaan ld astaamaysnaan.
astaysnaansho ld astaamaysnaan.
astee ld astaamee.
asto ld astaan¹, astaan².
astur (1) 1. Qarinta ceeb ama iin cidi leedahay. 2. ld asturid.
astur (2) 1. Cid ceebteeda qarin. 2. Wax dayacan xafidid. 3. Wax xabaalid.
asturan (1) Wax la asturay noqosho.
asturan (2) Wax la asturay ahaansho.
asturid eeg astur². ld astur¹ (2).
asturmid eeg asturan¹.
<< < 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 > >>

 

Exit mobile version