deeqsii Wax, wax ku fillaysiin.
deeqsiin eeg deeqsii. ld deeqsiis.
deeqsiis ld deeqsiin.
deeqsinnimo Qof deeqsi ah ahaansho.
deeqtoomid eeg deeqtoon¹.
deeqtoon1 Wax isku filan oo aan cidna u baahnayn noqosho. deeqtoon2 Wax isku filan oo aan cidna u baahnayn ahaansho. deeqtoonaan eeg deeqtoon². ld deeqtoonaansho.
deeqtoonaansho eeg deeqtonoow. ld deeqtoonaan.
deeqtoonow Ka d.: qof awooddiisa ku tashanaya noqosho.
deer Deerada keeda lab.
deero Jaad ugaarta ka mid ah, cawsha ka yar, dib gaaban, dhinacyada laba diillimood oo madow ku leh oo raxan-raxan isu raacda.
deewali Boqorrada dumarku dhexda ku xirtaan, jaad ka mid ah.
deex Dhul geed-gaab iyo caws ka baxaan oo badda xiga.
deexad ld deexasho.
deexasho eeg deexo. ld deexad.
deexguur Dadka dega dhulka badda u dhow.
deexo 1. U d.: qof, qof kale si daacad ah ugu warramid. 2. Hadal badan shubid; dalqamid.
deg1 1. Dhul korreeya hoobadka ah. 2. Daan (webi). 3. Garabka intiisa kore; qarqar. deg2 1. (f.g) Meel rug ah dhigasho (cid). 2. (f.g) Wax duulayey fariisasho. 3. (fg.) Xabbad turub ah bad dhigid. 4. (f.mg) Wax, biyo hoos ugu shiidid. 5. (f.mg) Dhul, webi iwm heerkooda hoos uga dhicid. 6. (f.mg) Wax isku qasan kala miirmid. 7. (f.mg) Wax kacsan xasilid. 8. (f.mg) La d.: cid khasaaro badid. 9. (f.mg) Ku d.: cid marti u noqosho. degaamee Meel degaan ka dhigid. ld deegaamee, deegaami, degaami.
degaameyn eeg degaamee. ld deegaameyn, deegaamin, degaamin.
degaami ld degaamee.
degaamin ld degaameyn.
degaan Meel la deggan yahay. ld deegaan¹ (2).
degaan habboon (baay.) Kaalinta uu noole ka qaato deegaankiisa. D.ka h. ee noole waxa lagu qeexi karaa cuntooyinka kala duwan ee uu quuto, kuwa isaga ugaadhsada, sida uu heerkulka ugu adkaysto iwm.
degaandeg Inta u dhexeysa dusha meel sare ilaa halka ay ka simantahay.
degaansho Xaalad deggan.
degad ld degasho.
degadduub Suuman yaryar oo kabaha sandalka ah lagu qurxiyo.
page : 69 of 218
<< < 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 > >>