shiidmid eeg shiidan¹.
shiidnaan eeg shiidan². ld shiid-naansho.
shiidnaansho ld shiidnaan.
shiifow Cudur lo'da ku dhaca oo indhaha iyo afka biyo ka keenaan; cundugul.
shiikh 1. Nin diinta aad wax uga yaqaan; caalim. 2. Sh. ah: neef ido ah oo wada cad. ld sheekh.
shiikh-habaabis Qof hadal badan, been-low ah hadalkana qurxiya oo run u ekey-siiya.
shiikhnimo (dii.) Shiikh ahaansho.
shiil1 1. Qodob madaxiisa ballaaran oo inta la kululeeyey wax buka lagu gubayo. 2. Barta ama raadka uu oogada ku reebo dabkaas. 3. Sh. ah: dhagax madow oo marka la isku dhufto dab bixiya. 4. Sh. ah: midab aad u madow oo dadku yeesho. shiil2 Dhagax dab lagu kululeeyey oo caddaaday. shiil3 1. Subag ama saliid kulul wax ku bislayn. 2. Burcad subag iyo caaneeyo u kala saarid. shiilamadow Dhagax midab madow leh oo aad u adag. ld shiilmadow.
shiilan Wax la shiilay ahaansho. ld shiilaysan.
shiilasho eeg shiilo.
shiilayn eeg shiilee.
shiilaysad ld shiilaysasho.
shiilaysan ld shiilan.
shiilaysasho eeg shiilayso. ld shiilay-sad, shiilaysi.
shiilaysi ld shiilaysasho.
shiilaysnaan ld shiilnaan.
shiilaysnaansho ld shiilnaan.
shiilayso Shiil wax ku bislaysasho ama ku kululaysasho.
shiilcad (jool.) Dhagax dhadhaab dhalan rogan ah, iniinyaha uu ka koobanyahana ay roo-roon yihiin, wuxuuna ka soo askunmay dhagax buuradeed.
shiilee Dhagax aad u kulul hoore ku kululayn.
shiilid eeg shiil². ld shiillimaad, shiil-niin.
shiillimaad Shiilidda wax la shiilo. ld shiilid.
shiilmadoobe Dhagax madow oo marka laysku dhufto habeenkii dab ka baxo.
shiilmadow ld shiilamadow.
shiilnaan eeg shiilan. ld shiilaysnaan, shiilaysnaansho, shiilnaansho.
shiilnaansho ld shiilnaan.
shiilniin ld shiilid.
page : 69 of 118
<< < 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 > >>