habarticaa 1. Nagaar buruq weyn iyo ubax qurxoon leh. 2. ld habarticay. Shimbir food dheer oo ci'badan.
habarticay ld habarticaa (2).
habarwacad ld habarwacasho.
habarwacasho eeg habarwaco. ld habarwacad.
habarwaco U h.: qof dhibaato haysato ehelo u qayladhaansasho.
habarwadaag Walaalo isku hooyo keliya ah.
habaryar Hooyada walaasheed.
habas Shimbir yar oo midab dambas ah leh oo badanaa dhulka dhabbacda.
habay (1) 1. H. ah: weel cusub oo la tolay, markaa la agloolay oo hoorihii lagu shubo sii daaya. 2. ld habyid. ld habayo.
habay (2) Weel dareere lagu shubay sii dayn.
habayn eeg habee. ld habays.
habayo 1. Weel biyood. 2. ld habay¹.
habays ld habayn.
habaysan (1) Wax la nadaamiyey noqosho.
habaysan (2) Wax la nadaamiyey ahaansho.
habaysmid eeg habaysan¹.
habaysnaan eeg habaysan². ld habaysnaansho.
habaysnaansho ld habaysnaan.
habban ld habboon.
habbanaan ld habboonaan.
habbanaansho ld habboonaan.
habbi 1. Ku h.: Wax culus oo ballaaran ku daboolid. 2. Wax culus ku dhufasho.
habbin eeg habbi. ld habbis.
habbis ld habbin.
habbiso Culays mar mar dadka fuula oo fahmada iyo waxqabadka ka qaada.
habboon 1. Wax hagaagsan ahaansho. 2. Ku h.: Wax, wax ku fiican ahaansho. ld habban.
habboonaan eeg habboon. ld habbanaan, habbanaansho, habboo-naansho.
habboonaansho ld habboonaan.
habcid eeg habac².
habciye (daaw.) Dawooyin yareeya shaqada qaybaha jirka.
<< < 679 680 681 682 683 684 685 686 687 688 689 > >>