furid eeg fur³. ld furitaan, furniin, furriin.
furin1 ld furun¹. furin2 ld furun². furitaan ld furid.
furmaati F.ah: salab, hu' iwm oo laga furtay qof la diley ama la qabtay.
furmaato Heshiis dhexmara laba qolo oo dagaallansan si aysan isaga layn maxaabiista dagaalka ay ku kala qabsadeen.
furmasho eeg furmo.
furmid eeg furan¹.
furmo1 Meel geeddi ku nasto. furmo2 Wax furan noqosho. furnaan eeg furan². ld furnaansho.
furnaansho ld furnaan.
furniin ld furid.
furo 1. (f.g) Albaab iwm ballaqsasho. 2. (f.g) Wax xarig ku xirnaa ka baxsasho. 3. (f.g) Wax horay loo dhacay xoog ku soo ceshasho. 4. (f.g) Wax sida dhar, lacag iwm cid xoog uga qaadasho. 5. (f.g) Qof qaan u xirnaa si loo furo qaantii loo haystey bixin. 6. (f.g) Kitaab qur'aan iibsasho. 7. (f.mg) Ka f.: saaxiibtinnimo qof lala lahaa burin.
furqaan 1. Kitaabkii Eebbe u soo dhiibey Nebi Maxamed. 2. Diinta Islaamka.
furriin ld furid.
fursad 1. Xaalaad ku habboon in wax la qabsado. 2. Waqti wax la qabto.
fursanaansho ld fursanaan.
fursasho eeg furso.
furso Ka f.: Wax ka kaaftoomid.
furtuur-folkaaneed (jool.) Soo dirqinta waxyaabo adke, dareere, ama neef ah, iyadoo folkaane uu ka soo saarayo dhulka gudihiisa una soo saarayo ilaa dhulka dushiisa.
furun1 1. Rooti. 2. Tinnaarka rootiga lagu dubo. ld furin¹. furun2 1. Maro ay raggu kor ka qaataan. 2. Goobta dagaalku ka aloosanyahay. ld furin². furuq (daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo muddo gaaban, waxaa keena fiirus. Astaamo: qandho iyo finan nabar ku reeba maqaarka.
furuqbiyoole (daaw.) Nooc furuqa ka mid ah oo halkii ay nabarrada malaxi ka geli lahayd biyo ka galaan.
furuqdhaw ld furuqdhoon.
furuqdhoon Godad yaryar oo furuqu jirka dadka ku reebo. ld furuqdhaw.
furuukh eeg farakh.
furuuruc ld firiiric.
furux1 Kalagoosyada oogada oo lafuhu iska galaan midkood.
page : 70 of 73
<< < 65 66 67 68 69 70 71 72 73 >