furux2 Kala f.: murgacasho. ld furxo. furuxsan Wax la kala furxiyey ahaansho.
furuxsanaan eeg furuxsan. ld furuxsanaansho.
furuxsanaansho ld furuxsanaan.
furxasho ld furxid.
furxi Laba xubnood oo is haaysta kala goyska ka kalabixin.
furxid eeg furux². ld furxasho.
furxin eeg furxi. ld furxis.
furxis ld furxin.
furxo ld furux².
fushad eeg fusho.
fushade 1. Roob badan oo bartamaha guga da'a. 2. Xilli gu' bartankiis ah oo roob badani da'o.
fusho 1. Xoolo wabax ah ceel ka kaxaysasho. 2. Wax dani ku jirto qabsasho.
fushuqi Maro si jugayn ah u dhiqid.
fushuqin eeg fushuqi. ld fushuqis.
fushuqis ld fushuqin.
fushuqsad ld fushuqsasho.
fushuqsan Wax la fushuqiyey ahaansho (dhar).
fushuqsanaan eeg fushuqsan. ld fushuqsanaansho.
fushuqsanaansho ld fushuqsanaan.
fushuqsasho eeg fushuqso. ld fushuqsad, fushuqsi.
fushuqsi ld fushuqsasho.
fushuqso Maro si fushuqsi ah u dhaqid.
fusqi ld fisqi.
fusuq ld fisqi.
futaxumeeye Surweel daba gaab ah.
futo 1. Afka malawadku ku dhammaado oo saxaradu ka baxdo. 2. Halka dhulka la dhigto marka dadku fariisanayo; sal.
futuux Xilliga doonyuhu bilaabaan gooshidda oo ku beegan bisha oktoobar.
fuud (cabbir cagood) Cabbir wax lagu cabbiro oo u dhigma yaardi saddex meelood loo qaybiyey meeshiis.
fuud1 Dhacaanka ka baxa hilib xoolaad ama mallay iwm. oo biyo lagu kariyey; maraq.
page : 71 of 73
<< < 66 67 68 69 70 71 72 73 >