Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: umaamadan
hallig (1) ld halaagid.
hallig (2) ld halaag².
halligan (1) ld halaagan¹.
halligan (2) ld halaagan².
halligid ld halaagid.
halligis ld halaagid.
halligmid ld halaagmid.
hallignaan ld halaagnaan.
hallignaansho ld halaagnaan.
hallihalli ld halhaleel.
hallow (1) 1. ld hallaabid. Lumidda wax ka lumaan jidka toosan. 2. H. ah: nafley jidkii toosnaa ka luntay.
hallow (2) 1. Wax lumid. 2. Wax qarraabid.
hallowsan Nafley wax jidka toosan ka lumay ahaansho.
hallowsanaan eeg hallowsan. ld hallowsanaansho.
hallowsanaansho ld hallowsanaan.
halmaal Wixii la halmaala: wixii la xariira.
halmaalid eeg halmaal.
halmaamid eeg halmaan². ld halmaan¹, hilmaamid, hilmaan¹.
halmaan (1) 1. Xusuus la'aanta la xusuusan waayo wax hore loo soo maray. 2. ld halmaamid.
halmaan (2) Wax illoobid. ld hilmaan².
halmaansii Qof wax illoowsiin. ld hilmaansii.
halmaansiin eeg halmaansii. ld halmaansiis, hilmaansiin.
halmaansiis ld halmaansiin.
halmadow Bara-baro mad-madow oo qof aan qubeysan jirkiisa ka muuqda.
halojiin (kiim.) Urur curiyayaal ah (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayayaasha) oo ka kooban foloriin, koloriin, boromiin, ayoodhiin, iyo curiyaha cimriga gaaban ee astatiin.
haloodi ld haloosi¹.
haloosi (1) H. ah: jid weyn oo aan lahayn dhagxan, geedo, godad iwm. ld haloodi.
haloosi (2) 1. Dad badan hees wada qaadid. 2. Ku h.: wax jid weyn, toosan oo aan dhib lahayn marin.
haloosin ld haloosiyid.
haloosiyid eeg haloosi². ld haloosin.
<< < 696 697 698 699 700 701 702 703 704 705 706 > >>

 

Exit mobile version