Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: silqo
harraar ld harraan.
harraati (1) ld haraati¹.
harraati (2) ld haraati².
harraatin ld haraatiyid.
harraatir Wax yar oo harraadka bi'iya.
harraatiyid ld haraatiyid.
harrar (1) Gogol caws ka samaysan oo lagu seexdo ama guriga lagu dedo. ld harar¹.
harrar (2) 1. Derin guryaha lagu dedo. 2. Dun dermooyinka lagu qurxiyo. ld harar².
harray Orgi markaas hooyadii goysay.
harreed ld hareed.
harreemi Cid baahan hanti yar ku taakulayn.
harreemin eeg harreemi. ld harreemis.
harreemis ld harreemin.
harsad ld harsasho.
harsan Wax intoodii badnayd tagtay, wax ka haray ahaansho. Tus. “Waqtigii wax baa inooga harsan ee hawsha wada”.
harsanaan eeg harsan. ld har-sanaansho.
harsanaansho ld harsanaan.
harsasho eeg harso. ld harsad, harsi.
harsi ld harsasho.
harsiimo ld harsimo.
harsimo Waqtiga maalinta bartankeeda ah ee qorraxdu ugu kulushahay. ld harsiimo.
harso 1. Qorrax meel hoos ah ka gelid. 2. Goor maalin ah cid marti u noqosho. ld herso.
harsubaxeed Hooska ay walxuhu yeeshaan subaxii marka ay qorraxdu ku dhacdo; hoos-horaad. ld harsubxeed.
harsubxeed ld harsubaxeed.
harti 1. Qori xabbad keliyaale ah oo la isticmaali jirey waayadii hore. 2. Awr; rati.
haruub 1. Daboolka haanta ama dhiisha. 2. Weelcaanoodka aan daboolka lahayn.
haruubgaal Haruub weyn oo geela lagu liso.
haruubqori Weel qori ka samaysan, dabool leh oo caanaha lagu kaydiyo. 2. Haruub qori la qoray ka samaysan.
haruuf (1) ld huruufid.
haruuf (2) ld huruuf².
<< < 713 714 715 716 717 718 719 720 721 722 723 > >>

 

Exit mobile version