Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: afxirasho
derbi  ld darbi¹.
derder1  ld dardarid. derder2  ld dardar³. derderan1  ld dardaran¹. derderan2  ld dardaran². derderid  ld dardarid.
derdermid  ld dardarmid.
derdernaan  ld dardarnaan.
derdernaansho  ld dardarnaan.
dereb  Dhul ciiddiisu isugu jirto ciid madow iyo ciid cad oo daaqa iyo beerashada ku wanaagsan.
dereg  Daryeel.
derejee  ld darajee.
derejeyn  ld darajayn.
derejo  ld darajo.
derged  Dhisme ka samaysan tiir adag iyo qoryo dusha ciid laga saaray.
deri  (c.nafl.) Godniinka lafdhabarka oo u furan dibedda.
deridhacyayn  eeg deridhacyee.
deridhacyee  1. Qof socda tabardarro awgeed hadba dhan u liicid. 2. Qof dan la'aan u wareegid.
derin  ld dermo.
deris1  Dad degsiimada is xiga oo isu dhaw. deris2  1. (xis.) Mid ka mid ah dhinacyada saddexagal ee sammeeya xagal la isa siiyey. Marka laga hadlayo saddexagal qumman deris waa dhinaca u dhexeeya xagasha la isa siiyey iyo midda qumman. Marka laga hadlayo tirigonoometeri saamiga dhinaca deriska ah uu sammeeyo dhererrada dhinacyada kale waxa loo adeegsadaa in lagu qeexo fansaarada xaglaha kosayn iyo tanjanka. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. (xis.) Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. (xis.) Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah. deris3  1. (f.g) Wax barashadooda ka baaraan degid. 2. (f.mg) Cid jaar la noqosho. deriskunnool1  1. Noole yaryar oo ku dul nool noole kale. 2. Qof ma shaqaysta ah oo cid kale ku dul nool. ld deriskunnoole. deriskunnool2  (c.nafl.) Noole kasta oo ku dul nool noole kale. Deris ku noolka nooloshiisa oo dhan ama qaar ka mid ah ku noolaada noole kale, wuxu ka helaa cunno iyo degaan xagga lagu noolaha, wax tarna kuma darsado. Deris ku noolayasha qarkood waxay keenaan cuncun waxayna dhex galaan hawlqabadka jirka; qar kale waxay baabi'iyaan soohyada lagu noolaha, waxayna ku sii daayaan sun jirka dhexdiisa; sidaas ayey caafimaadka wax ugu dhimaan cudurna u keenaan. deriskunnoole  ld deriskunnool¹.
derisnimo  Deris ahaansho.
dermad  Gees lo'aad inta la kululeeyey la soo laabay oo diillimo bati ah (macdan) lagu shaqlay oo dhallinta shirta ciyaarta cududda bidix ku xirtaan, balaayo xijaab ah.
dermo  Gogol laga sameeyay caw, caws, mayro iwm. ld derin.
derrin  ld durrin.
dersi  (duruus, m.dh) Cashar.
page : 73 of 218
<< < 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 > >>

 

Exit mobile version