Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: celcelis-joometeri
hayaamid eeg hayaan².
hayaamin eeg hayaami.
hayaamiso 1. Xasharad xareedeeyaha u eg, duusha, oo la aaminsanyahay in ay cudur siddo. 2. ld hayoomiso, huyuumiso. Cudur hindhiso iyo illin badan leh oo laga qaado hayaamisada iwm; hinjibiso.
hayaan (1) 1. Dhawr geeddi, aan kala go'lahayn, oo meel fog loogu guuro. 2. H. ah: dad iyo xoolo guuraya oo meel fog u socda.
hayaan (2) Dhawr geeddi oo aan kala go'lahayn meel fog ugu guurid.
hayaay 1.H. baaqid; h. u yeerid. 2. (e.d) Waryaa!; naayaa.
hayaayad ld hadaayad.
Hayahee Yallah!, bax!, tag!, kac!, hus!, yur! ld kis.
hayb Qolo, tol, jinsiyad iwm oo ay cidi ka soo jeeddo.
haybaari Baadi xogteed cid weyddiin.
haybaarin eeg haybaari. ld hay-baaris.
haybaaris ld haybaarin.
haybaaro Baafinta la baafiyo wax lumay.
haybaarsad ld haybaarsasho.
haybaarsasho eeg haybaarso. ld haybaarsad, haybaarsi.
haybaarsi ld haybaarsasho.
haybaarso Baadi xogteeda cid weyddiisasho.
haybad Sharaf, xishood, golajoog iwm oo cid ka muuqda.
haybadeysad ld haybadeysasho.
haybadeysan Qof laga habadayso.
haybadeysasho eeg haybadeyso. ld haybadeysad, habadeysi, haybaysad, haybaysasho.
haybadeysi ld haybadeysasho.
haybadeysnaan eeg habadeysan. ld habadeysnaansho.
haybadeysnaansho - ld habadeys-naan.
haybadeyso Ka h.: Cid amarkeeda si xushmadi ku jirto u fulin. ld haybayso.
haybasi ld haybadeysasho.
haybaysad ld haybadeysasho.
haybaysasho ld haybadeysasho.
haybayso ld haybadeyso.
haybe Midab madow-dhalaal ah; hurre.
<< < 719 720 721 722 723 724 725 726 727 728 729 > >>

 

Exit mobile version