cimri-badheed (kiim.) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimri-badheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.
cimridheer Wax da'weyn gaarey ahaansho.
cimridheeraan eeg cimridheer. ld cimridheeraansho, cimridheeri, cimridherer.
cimridheeraansho ld cimridheeraan.
cimridheeri Da'aad u weyn oo wax gaaraan. ld cimridheeraan.
cimridherer ld cimridheeraan.
cimro ld cumro.
cinaad1 1. Diidmo luggooyo ku jirta. 2. Runta oo la is diidsiiyo ama laga madax-adaygo. ld canaad¹. cinaad2 1. (f.g) Diidmo luggooyo ku jirto cid kula kicid. 2. (f.mg) Runta ka madax-adaygid. ld canaad². cinaadi C. ah: qof cinaad badan. ld canaadi.
cinaadid eeg cinaad². ld canaadid.
cinaadnimo Cinaad ahaansho. ld canaadnimo.
cinab ld canab.
cindi Niyad; qalbi.
cindiid Caano biyo ka badan lagu daray. ld candiid.
ciniin1 Nin aan dumarka u galmoon karin, u tegiddooda aan karti u lahayn. ld caniin¹, cinniin¹. ciniin2 Nin aan dumarka u galmoon karin noqosho. ld caniin², cinniin². ciniini Nin ciniin ka dhigid. ld caniini, canniini.
ciniinid eeg ciniin². ld caniinid, cinniinid.
ciniinin eeg ciniini. ld caniinin, ciniinnin.
ciniinnimo (daaw.) Awood la'an ninku u sameyn kari waayo galmo. ld caniinnimo, cinniinnimo.
ciniq 1. In yar oo dheeraad ah oo la siiyo qof wax gatay. 2. Hambo. ld iniq.
cinji ld ciddi.
cinjigod ld ciddigod.
cinjir 1. Geed leh laamo jilicsan, caleemo iyo iniino yaryar iyo cananno cad oo ka baxa dhulka kulaylaha. 2. Dhacaanka geedka cinjirka. 3. C. ah: shay ka sameysan dhacaanka cinjirka; xabag; ramal; goome.
cinjirrageed (daaw.) Gal ka sameysan cinjir xariir oo guska la galiyo marka galmada; cinjirkaasu wuxuu labada qofba ka xafidaa cudurrada galmada, wuxuu celiyaa uur qaadidda.
cinniin1 ld ciniin¹. cinniin2 ld ciniin². cinniini ld ciniini.
cinniinid ld ciniinid.
page : 74 of 95
<< < 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 > >>