Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xuubka saynuufiyal
hiiro ld hiir.
hiirtaayo Xusuusashada ama gocoshada dhib hore u dhacay. ld hiitaanyo.
hiitaanyo ld hiirtaayo.
hijra ld hijro.
hijro Dhibaato dhacday awgeed oo meel laga tago. ld hijra.
hikaad ld higgaad.
hikaadi ld higgaadi.
hikaadin ld higgaadin.
hikaadis ld higgaadin.
hil (1) 1. Boqol siib oo caw ah oo isku xiran. 2. Meel jiq ah oo webiga jiinkiisa ah. 3. Suuman ama xargo lagu xiro weelasha. 4. In culays ah oo nafley mar qaadi karto (h.kiisa, h.keeda). 5. Jawaan, derin iwm oo dhowraarin looga dhigo qarbadka la dhaansado.
hil (2) 1. (f.g) Weel xarig, suun iwm afka kaga dhuujin. 2. (f.g) Wax dhowraarin u yeelid. 3. (f.mg) Ku h.: gaadiid wax uu qaadi karo saarid.
hilaad Wax aan tiradoodu sugnayn.
hilaadi 1. Wax qiyaastooda malayn. 2. Wax odorosid (roob).
hilaadin ld hilaadiyid.
hilaadis ld hilaadiyid.
hilaadiyid eeg hilaadi. ld hilaadin, hilaadis.
hilan 1. Wax hil lagu xiray ahaansho (weel). 2. Wax tankiisu u dhanyahay oo aan wax kale qaadi karin ahaansho (gaadiid).
hilasho eeg hilo².
hilay 1. Xarig weel lagu hilo. 2. (-yo, m.dh) Derin yar oo duug ah. 3. (-yo, m.dh) Callaal caw ka samaysan oo timirta lagu rito.
hilbawadaag (1) Xiriir qaraabannimo.
hilbawadaag (2) Dad xiriir qaraaban-nimo ka dhexeeyo. ld hilbawadaageen.
hilbawadaageen ld hilbawadaag².
hilbee 1. Wax cad-cad u googoyn. 2. Neef qalid. 3. Qof tumid ilaa uu jilco.
hilbeyn eeg hilbee.
hilbeysad ld hilbeysasho.
hilbeysan Wax tumid lagu jilciyey ahaansho.
hilbeysasho eeg hilbeyso. ld hilbeysad, hilbeysi.
hilbeysi ld hilbeysasho.
hilbeysnaan eeg hilbeysan. ld hilbeysnaansho.
hilbeysnaansho ld hilbeysnaan.
<< < 732 733 734 735 736 737 738 739 740 741 742 > >>

 

Exit mobile version