shucayb-sacaaf (c.nafl.) Noolayaal yaryar oo dul sabbeeya biyaha badaha iyo harooyinka. Shucaybsacaafka waxa ka mid ah xayawaannada iyo dhirta ili ma-aragtayga ah, sida aljiga, borotosoowaha iwm.
shucays ld shacays¹.
shucub 1. Dun, mayrax iwm oo wax lagu qurxiyo. 2. Cutub ubax ama miro ah oo isku meel ka soo baxay, sida miraha canabka. 3. Toorrey daabkeeda inta sare ee maartu ku jirto.
shucuur Dareen; qiiro.
shufeer Qof baabuur wada; wade.
shuftanimo (taar.) Dagaalyahan ee dagaallamaaya oo ka mid ah ciidan aan rasmi ahayan, ee ka soo horjeeda ciidamada dawladda iyo booliska; jabhad.
shuftayn eeg shuftee. ld shuftays.
shuftays ld shuftayn.
shuftee Qof dhac iyo dil u banbixid.
shufto Dad u banbaxay dhac, dil iyo boob.
shuftoobid eeg shuftow.
shuftow Shufto noqosho.
shugri1 Mahadcelin. shugri2 Ku sh.: cid u mahad celin. shugrin ld shugriyid.
shugrinaq2 U sh.: cid u mahad celin. shugrinaqid eeg shugrinaq².
shugrinnaq Mahadcelinta loo mahad-celiyo qof abaal galay.
shugriyid eeg shugri². ld shugrin.
shuhub (c.fal) Gabal ka soo go'ay maatar adag oo soo galay gibilka qaybtiisa sare kana yimid dulalaati sare,lagana arko dhulka, ilays ka dhasha isxoqidda isaga iyo hawada uu soo dhexmarayo awgeed.
shukaami 1. Haweenay xodxodasho. 2. Qof qalqaalin. 3. Doon, markab iwm wadid.
shukaamin eeg shukaami. ld shu-kaamis.
shukaamis ld shukaamin.
shukaan 1. Meesha uu fariisto qofka wada baabuur, markab,dayuurad iwm. 2. Isku joog garangar ama wax u dhigma iyo xubno kale ka kooban oo gaadiidka badda, cirka iyo dhulka ninka wadaa uu adeegsado.
shukaansad ld shukaansasho.
shukaansasho eeg shukaanso. ld shukaansasd, shukaansi.
shukaansi ld shukaansasho.
shukaanso 1. Hawee-ney xodxodasho. 2. Cid qalqaalsasho.
shukaysad ld shukaysasho.
shukaysan Naag wax shuko gashan ahaansho.
page : 77 of 118
<< < 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 > >>