Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: cawirow
birre 1. Miiqyo dhuudhuuban, cawska fiidiisa ka baxa oo markay qallalaan wax mudi kara. 2. Qolofka badarka qaarkii sida bariiska ku rogan.
birri 1. Dhulka intiisa aan bad ahayn. 2. Dhul. ld berri¹.
birriyad Dabayl dhanka birriga ka timaado oo dhanka badda u socota.
birsan Nooc birta ka mid ah oo aad u adag birlab.
birshub Qalab biraha lagu dhalaaliyo, qaabab kala duwanna u yeesho.
birshubid Dhalaalinta iyo qaabeynta birta.
birsol (1) 1. Neef xoolo ah oo la gowracay. 2. ld birsolid.
birsol (2) La gawracay ahaansho (neef xoolaad).
birsolid eeg birsol². ld birsol¹.
birsulub ld birlab.
birtaawe ld birdaawe.
birtaawo ld birdaawe.
birxaar 1. Nooc biraha ka mid ah, aad u jilicsan oo si sahlan u jabta. 2. ld bir-ajuuraan.
birxarbi 1. Bir dhuuban oo dheer oo dhuunta buntukha lagu sifeeyo, wixi ku go'ana looga soo saaro.
bis ld bes.
bisabbisoo U b.: wax la rabo in la sameeyo marmasiinyo u raadsasho. ld bisimbisoo.
bisabbisood eeg bisabbisoo. ld bisimbisood.
bisad Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano. mukulaal; basho; bisad; dinnad; dummad; yaanyuur;
bisayl 1. Cunto dab lagu farsameeyey oo gaartay heerkii lagu cuni lahaa. 2. Miro iwm marka ay gaaraan heerkii lagu cuni ama la guran lahaa. 3. Waaya-aragnimo dheeraad ah oo la yeesho. 4. ld bislaan.
bisbaas ld basbaas.
bishaarad ld bishaaro.
bishaarayn eeg bishaaree.
bishaaree U b.: cid, war ay ku faraxdo u sheegid.
bishaaro War wanaagsan oo farxad iyo reyn reyn leh. ld bishaarad, bushaarad, bushaaro.
bishiic ld bashiic.
bishiican ld bashiican.
bishiici ld bashiici.
bishiicin ld bashiicin.
bishiicmid ld bashiicmid.
bishiicsan ld bashiicsan.
<< < 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 > >>

 

Exit mobile version