Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dulmadow
ilbidhiqsi ld ilbriqsi.
ilbiriqsi (1) Muddada u dhexeysa il baalasheeda si deg deg ah la isugu qabtay, degdegna loo kala qaaday. ld ilbidhiqsi, ilbiliqsi, ilmilicsi, ilmiliqsi.
ilbiriqsi (2) 1. (fiis.) Halbeeg cabbiraadeed oo waqti oo la eg hal-lixdaneed daqiiqo. 2. (juqr.) Halbeeg cabbiraaddeed oo lool iyo dhig oo la eg hal-lixdaneed daqiiqo.
ilbixi 1. Qof ilbax ka dhigid. 2. Meseggo iwm il ka saarid.
ilbixid eeg ilbax².
ilbixin eeg ilbixi.
ilcad (c.nafl.) Nooc shimbiraha ka mid ah, midab bay ah leh, badanaaba ku nool guryaha iyo beeraha agtooda.
ilcayn Dhabataysi.
ilcir Daah, rogaa.
ildaran Wax aad u liita ahaansho.
ildarnaan eeg ildaran. ld ildar-naansho.
ildarnaansho ld ildarnaan.
ildarro Dhibaato iyo diif cid ka muuqata.
ildheer Wax rafaad ka muuqdo ahaansho.
ildheeraan eeg ildheer. ld ildheeraansho, ildheeri.
ildheeraansho ld ildheeraan.
ildheeri 1. Aragti-dheer ahaansho. 2. ld ildheeraan.
ilduuf (1) 1. Hog aan loo baahnayn oo laga guuro ama laga qaado ama la dego (shax). 2. Jidkii loo baahnaa oo laga habaabo.
ilduuf (2) 1. Hogaan loo baahnayn ka guurid, ka qaadid ama degid. 2. Jidkii loo baahnaa ka habaabid.
ilduufi Qof ilduuf dhaxalsiin.
ilduufid eeg ilduuf².
ilduufin eeg iduufi. ld ilduufis.
ilduufis ld ilduufin.
ilduufsan Wax ilduufay ahaansho.
ilduufsanaan eeg ilduufsan. ld ilduufsanaansho.
ilduufsanaansho ld ilduufsanaan.
ilee 1. Xarig la xirayo il u yeelid. 2. Cid dhabateysasho.
ileysad ld ilaysasho.
ileysasho eeg ileyso. ld ilaysad, ileysi.
ileysi ld ilaysasho.
<< < 777 778 779 780 781 782 783 784 785 786 787 > >>

 

Exit mobile version