Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: giraan
iskuxidid I. ah: laba wax oo isku fir ah.
iskuxireyaal (nax.) Curiyeyaal hawshoodu tahay in ay isku xiriiriyaan ereyada hadalka, waxayna u kala baxaan labo koox: “xiriiriyeyaal” iyo “horyaa- layaal”.
islaami Qof islaan ka dhigid.
islaamid eeg islaan³.
islaamin eeg islaami.
islaan (1) 1. Diinta nebi maxamed loo soo dhiibay oo muslimiintu haystaan. 2. I. ah: qof diinta nebi Maxamed rumeysan. 3. (-nno/-aammo, m.dh) Qof madaxnimo beeleed loo doortay. 4. Nin da'weyn.
islaan (2) Qof dumar ah oo da'weyn.
islaan (3) Muslim noqosho.
islaannimo 1. Muslim ahaansho. 2. Qof madaxnimo beeleed loo doortay ahaansho.
islaaw Qof ka dhashay qoyska boqran.
islaawnnimo Islaaw ahaansho.
islaax (1) Nabad, wanaag.
islaax (2) Meel nabad ka dhalasho.
islaaxi Meel nabad ka dhalin.
islaaxid eeg islaax².
islaaxin eeg islaaxi.
islajoog Lax irmaan oo daaqsinta aan laga reebin ilmaha.
islamar I. ah: isku waqti ah.
islanoolaansho (baay.) Isdhexgal ka dhex dhaca laba noole oo sinyjiyo kala duwan ah. Erayga islanoolaanshaha badanaa waxa lagu xaddiddaa isdhexgalka labada sinjiba faa'iido ka helayaan. Laakiin waxa kale oo loo adeegsadaa xidhiidhka kale oo ku dhow sida wada noolaanshaha.
islaweyni 1. Qab weyni laysu qabo. 2. Marka la amminsanyahay in dalka ama qolada laga tirsanyahay ay ka wanaagsanyihiin, muhimmadna ka leeyihiin waxa kale oo dhan.
islayaab Dareen xishood leh oo falxun oo la samayn lahaa lagaga baaqdo.
isle'eg (1) (xis.) Weedh sheegaysa isle'ekaanshaha laba tibaax xisabeed, taas oo, labada tibaxood la isugu xiro astaanta isle'ekaanshaha (=), sida y = 3x, (x + y)2 = x2 + 2xy + y2.
isle'eg (2) Isku jin ahaansho.
isle'eg dhab ah (xis.) Nooc ka mid isle'eg xigsineed taas oo wadarta xigsineed ee fansaar uu le'eg yahay eber.
isle'eg-kiimikeed (xis.) Hab loo muujiyo falgalka kiimikaad iyada oo lagu astaynayo summado saxarrada falgalaya (atammo, molikuyuullo, ayoonno iwm). Tusaale ahaan: x A + y B z C + w D . “Calaamadda waxa loo akhriyaa leebab”. Halka leeb waxa lagu isticmaalaa falgalka magedismaha ah, leebabka lammaanna falgalka gedismaha ah.
isle'eg-kubbad (xis.) Habdhiska kulannada kaartis ee isle'egta kubbad sansaankeedu waa: (x - a)2 + (y - b)2 + (z - c)2 = Y2 taas oo a, b iyo c ay yihiin kulannada xuddunta. Marka xudduntu tahay unugga isle'egtu waxa ay noqonaysa x2 + y2 + z2 = r2.
isle'eg-saabley (xis.) Isle'eg tibxaale oo jibbaarkeeda ugu sarreeya ee doorsoomaha uu yahay darajada labaad. Sansaanka guud ee isle'eg saabley ah ee dorsoomaha x waa: ax+ bx + c = 0, taas oo a, b iyo c ay yihiin madoorsoomeyaal.
isle'eg-saddexjibbaar (xis.) Isle'eg tibxaale oo jibbaarka ugu sarreeya ee doorsoomaha isle'egtu yahay darajada saddexaad. Sansaanta guud ee isle'eg saddex-jibbaar waa: ax3 + bx2 + cx + d = 0, taas oo a, b, c, iyo d ay yihiin madoorsoomayaal.
isle'eg-tirignoometeri (xis.) Isle'eg uu ku jiro ugu yaraan hal doorsoome oo urur horaadkiisu yahay ururka xagallo rug beegaal ah.
isle'eg-toosan (xis.) Isle'eg jibbaarka ugu sarreeya ee tibxaha doorsoomeyasha ah uu yahay darajada kowaad. Sansaanka guud ee isle'eg toosan waa ax + = 0, taas oo, a iyo c ay yihiin madoorsoomayaal.
<< < 800 801 802 803 804 805 806 807 808 809 810 > >>

 

Exit mobile version