Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: diilan
jadeeco (2) (daaw.) Cudur aad la isu qaadsiiyo oo uu keeno fiirus, wuxuu u badanyahay in uu ku dhaco carruurta, labadii sano ama saddexdii sano mar ayuu noqdaa safmar. Astaamo: calaamadaha dureyga oo ay weheliso qandho aad u sarreysa baro yaryar oo cas-cas oo dhexda caddaan ku leh (balihii Koblik) iyo canka gudihiisa ka soo baxa. Finan cascas ayaa ka soo baxa marka hore dhegaha xaggooda dambe, wajiga iyo jirka oo dhan.
jadeemad ld jadeemid.
jadeemid eeg jadeen². ld jadeemad.
jadeen (1) 1. Cida bahallada qaarkood sida libaaxa iwm. 2. Reen.
jadeen (2) 1. Bahal libaax iwm reemid. 2. Nafley taahid.
jadeer 1. (bot.) Nooc ka mid ah geedgaabka oo laamo dhuudhuuban iyo caleemo balballaaran leh oo aan qodax lahayn. 2. Socod dheer.
jadeerwac (1) 1. ld jadeerwicid. Aadista meel aad u fog la aado. 2. Oggolaansho la'aan. 3. Naxariis, jixinjix.
jadeerwac (2) 1. Meel aad u fog aadid. 2. Wax diidid. 3. Cid u jixinjixid.
jadeerwacad ld jadeerwacasho.
jadeerwacasho eeg jadeerwaco. ld jadeerwacad.
jadeerwaco 1. Meel dheer socod ku tegid. 2. Wax diidid.
jadeerwicid eeg jadeerwac². ld jadeerwac¹ (2).
jadhaabalaf ld jidhaabalaf.
jadiin 1. ld jidiin. 2. Cunto.
jadwal Qorshe ammineed muujinaya sida hawl loo fulinayo.
jaf (1) 1. Garaac; tumid. 2. Qolofta geedaha laga jafto (inta la gargaraaco). 3. Orod u eg wax la ganay; kuddo; fag.
jaf (2) 1. J. dheh: daf dheh; la bood; fag dheh. 2. J. ka sii: ka daf, ka dhifo.
jaf (3) 1. Gogol iwm boor ka duulin. 2. Geed si qolofta looga goosto garaacid. 3. Geed garaacid ama ruxid si mirihiisi ay u soo daataan.
jafaal 1. Dubka kore ee dhirta qaarkeed, laga jafo. 2. Nin lixaad weyn; tiirri.
jafaali Wax si xoog leh uga dhifasho; uga dafid.
jafaalin eeg jafaali. ld jafaalis.
jafaalis ld jafaalin.
jafaan Qalab bir ah ama wax kale, oo geedaha xijiga oo irmaan lagu sarsaro.
jafal Iniinaha bunka, kolka ay dhanyihiin oo beerkii ku gudajiro.
jafaliil J. ah: wax aan qaab wannaagsan lahayn; foolxun.
jafaliile Shayddaan; indhaxamil.
jafan La jafay.
jafasho eeg jafo.
jafeeco (bot.) Nagaar weyn oo weligi si hunbulan u baxa; wuxuu bixiyaa ubax cillaan ah oo aad u qurux badan.
jafid eeg jaf³.
<< < 815 816 817 818 819 820 821 822 823 824 825 > >>

 

Exit mobile version