coolli Daruur cufan oo ay biyo ka buuxaan.
coomaadde ld coomaadi.
coomaadi Nooc haadka hilibka cuna ka mid ah, xoog badan leh, gorgorkana ka yar. ld coomaadde.
coomoobid eeg coomow.
coomow Gabar, wax da'weyn oo la guursan waayey noqosho.
coon1 1. Nin gaaban oo aan da'diisu ka muuqan. 2. Dab, webi, bad iwm agtooda. Tus. “Dabka c.kiisa”: dabka agtiisa. coon2 1. Haweeney gaaban oo aan da'deeda ka muuqan. 2. Gabar da'weyn oo aan la guursan; guumeys. cooraaf Qof aad u dabeecad xun.
cooraafnimo Cooraaf ahaansho.
coorcoor1 Jactad ku dhaca jirka nafleyda oo uu keeno qabow ama jirro. coorcoor2 Jir nafley, jactad ku dhicid qabow ama jirro darteed. coorcoorid eeg coorcoor².
coorcoorsan Wax coorcoor yeeshay ahaansho (jir nafley).
coorcoorsanaan eeg coorcoorsan. ld coorcoorsanaansho.
coorcoorsanaansho ld coorcoor- sanaan.
coosh 1. ld cooshad. 2. Cafish.
cooshad Guri ka sameysan qoryo iyo caws oo si ku meel gaar ah loogu noolaado ama wax loogu gato.
corad ld curad.
cordaalo ld curdaalo.
cosob Doog badan oo markaas soo baxay. 2. Meel an naqeeda weli la daaqin.
cub1 1. ld cuf. (-bab, m.l) Shay yar oo meel daloosha lagu gufeeyo; cuf. 2. “C. iyo cir”: ereyo kolka la cubtamayo la yiraahdo. ld cug¹. cub2 Dalool yar gufeyn. ld cug². cuban1 1. Dalool wax la cubay ahaansho. 2. Wax neeftu ku xirantay noqosho (san). ld cugan¹. cuban2 1. Wax la cubay ahaansho. 2. Qof ciyaar loo xulay ahaansho. ld cugan². cubasho eeg cubo. ld cugasho.
cubbaan C. ah: qof hanti badan leh.
cubbaannimo Cubbaan ahaansho.
cubcub1 1. Maqaar dhal xoolaad, dhisan caws ka buuxo, leh qaabkii ilmaha dhintay oo neefkii dhalay lagu godliyo; joojooge. 2. Wax muuq dad leh oo beeraha la dhex dhigo si ay shimbiraha, dugaagga iwm uga cararaan. 3. Derin cusub oo aan weli la kala jeexin. 4. ld cubcubid. ld cucub¹. cubcub2 Maqaar xoolaad, dhisan caws ka buuxin. ld cucub². cubcuban Maqaar dhal xoolaad, wax la cucubay ahaansho. ld cucuban.
page : 83 of 95
<< < 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 > >>