Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: jeeraarin
gorros2  Madax hoos u laalaadin (ido). gorrosid  eeg gorros². ld gorros¹ (2).
gorse  1. Miskiin. 2. Neef xoolo ah oo looga tagay jirro ama duqnimo awgeed.
goryaan  ld gooryaan.
goryaan-u-eke  (c.nafl.) Nooc gooryaanka ka mid ah oo labada afba dhiigga ku dhuuqa. Waxa laga helaa waddamada cimilada kulul, biyaha iyo dhulka qoyan dhexdooda. Qaar ka mid ah waxay dhiigga ka dhuqaan xoolaha iyo dadkaba qaniinyaduna waxay sameysa cuncun mararna caabuq ama infekshin.
goshongol  Geedgaab faalala oo leh bari weyn oo dharka lagu dhaqdo waxna lagu daaweeyo.
goso  Maroodi dheddig. ld qalanjo.
gosol  Wiyil dheddig.
gotin  Meel godan oo biyuhu fariistaan.
gow  ld gaw.
gow1  ld gaw. gowdi  Wax aad u raadin.
gowdin  eeg gowdi.
gowl  ld gawl.
gowlac  Geed-nagaar yar oo laba bariyood leh (lax iyo wan) oo la cuno.
gowlallo  Geed-quwaax leh dheecaan kharaar oo khadka laga sameysto iyo asal fiican. ld gawlallo.
gowle  Ciyaar jaan iyo or leh oo badanaa haweenku ciyaaraan. 2. Guuxa libaaxa.
gowr  Xubinta taranka haweenka.
gowrac1  1. Biraynta xoolaha la qalanayo la bireeyo si hilibkoodu u xalaaloobo. 2. ld gowricid. gowrac2  Wax birayn. gowracan  Wax la gowracay ahaansho.
gowracasho  eeg gowraco.
gowracato  1. Cudur faraha lugaha ku dhaca oo nabarro u yeela. 2. Fin hunguriga ka soo baxo oo badanaa loo dhinto. 3. Geed yar oo leh laamo buurbuuran oo aroorro leh.
gowracnaan  eeg gowracan. ld gowracnaansho.
gowracnaansho  ld gowracnaan.
gowraco  Neef gowrac ku xalaalaysasho.
gowre  Dabayl qabow oo soo dhacda galabnimada iyo habeennimada xilliga xagaaga.
gowricid  eeg gowrac². ld gowrac¹ (2).
gowriir1  1. Qandood. 2. ld gowriirid. gowriir2  Dul g.: wax ku qandoodsasho; wax ku kor foorarso. ld gowriirso.
page : 83 of 102
<< < 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 > >>

 

Exit mobile version