jamaad Wax indhuhu jeclaystaan oo aad u qurxoon.
jamaahiir Wadar dad ah.
jamaal Qurux.
jamaamuur Ragga intiisa wax garadka ah ee la tixgeliyo; waayeel. ld qamaamuur.
jamac 1. Dad badan oo salaad wada tukanaya. 2. Wadar.
jamal Nafley xoog iyo cayil ka muuqdo.
jamasho eeg jamo.
jambaq Orgi yar oo aan shumbulnimo gaarin.
jambaqnimo Jambaq ahaansho.
jambareer (1) ld jambareero.
jambareer (2) Daal, harraad iyo gaajo badan la kulmid.
jambareerid eeg jambareer².
jambareero Dhibaato harraad, gaajo iyo daal badani dhaliyaan. ld jambareer¹.
jambareeroo Jambareero dareemid.
jambareerood eeg jambareeroo.
jamce Maalinta u dhaxayso, sabtiga iyo axadda. ld jimce, jimco.
jamciyad Dad urur siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iwm ku midoobey.
jameecad ld jameeco.
jameeco 1. Dad isku meel wada deggan oo ku nool. 2. (-ooyin, m.l) Ururo diimeed oo meel wada deggan.3. Dad salaad wada tukanaya. ld jameecad.
jamhuuriyad Dal xur ah oo madaxdiisa shacbigu soo doorto.
jamlee ld jimlee.
jamleyn ld jimleyn.
jamleys ld jimleyn.
jamleysad ld jimleysasho.
jamleysasho ld jimleysasho.
jamleysi ld jimleysasho.
jamleyso ld jimleyso.
jamlo ld jimlo.
jammir Doon si ay socodka u badiso shiraac kor ugu taagid.
jammirid eeg jammir.
<< < 822 823 824 825 826 827 828 829 830 831 832 > >>