sig 1. Wax halis u dhawayn. 2. Wax u dhawaasho.
sigaar Tubaako shiidan oo xaashi khafiif ah lagu duubay oo laga qiijiyo. ld saka-reed.
sigaaryacab Qof sigaarka qiijiya.
sigad ld sigasho.
sigan Wax halis u dhow ahaansho.
sigasho eeg sigo. ld sigad.
sigid eeg sig.
sigis Maro si gaar ah loo tolay oo cagaha la gashado intaan kabaha la illan.
signaan eeg sigan. ld signaansho.
signaansho ld signaan.
sigo Halis u dha-waansho.
sigtin Ku dhawaanshaha nafley halis kaabiga u gaadho.
sii1 1. (nax) Qurub tilmaamaya in falku uu ka fogaanayo hadlaha ama yeelaha. Tus. “Sii durug!. Guriga sii gal!” 2. Qurub tilmaamaya kordhin. Tus. “Arrintu way sii xumaatay”. 3. Qurub tilmaamaya sii socosho fal. Tus. “Hadalka sii wada!”. sii2 1. Qof wax milki uga dhigid. 2. Qof wax u dhiibid. siib1 Laba barshin oo caw ah. siib2 Qodax, musbaar, xidid iwm oo meel ku jirey ka soo saarid. siiba Gaar ahaan. Tus. “Cali wuu hadal badanyahay, siiba markuu marqaansan-yahay”.
siibad1 ld siibasho. siibad2 Dayr; heeraar. siiban1 Wax la siibay noqosho. siiban2 Wax la siibay ahaansho. siibasho eeg siibo. ld siibad¹.
siibid eeg siib².
siibmid eeg siiban¹.
siibnaan eeg siiban². ld sibnaansho.
siibnaansho ld siibnaan.
siibo Qodax, musbaar, xidid iwm oo meel ku jirey ka soo bax-sasho.
siic1 1. Dhega-adeyg. 2. Dhib ku jirid; rafaadsanaan. 3. Yasid. siic2 1. Dhega-adeyg muujin. 2. Dhibkujir. 3. Yas. siicid eeg siic².
page : 86 of 118
<< < 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 > >>