siinad 1. Qurux. 2. (-do, m.l) Naqshad iyo xarar wax lagu qurxiyo.
siinee 1. Wax qurxin. 2. Wax xardhid.
siineyn eeg siinee.
siinsad ld siinsasho.
siinsasho eeg siinso. ld siinsad.
siinso Duuf iska soo saarid.
siiq Geed dheer oo webiyada agagaar-kooda ka baxa.
siiqe Ul dheer oo xooggan.
siir ld sicir.
siiri Firimbi. ld siidhi.
siiriwale ld seeriwale.
siiro 1. Taariikh nololeed. 2. Asluub; dhaqan.
siis ld siin².
siisasho eeg siiso².
siise ld siiso¹.
siisiib Raar wada cad oo aan marriin lahayn.
siiso1 Boor; siigo; habaas. ld siise. siiso2 1. Qof la jecelyahay wax ku dhaqaalaysasho. 2. Wax, wax kale ku beddelasho. siisto Erey macnahiisu walaal u dhigmo oo loo yiqiin haweenkii xisbiga leegada xubinta ka ahaa.
sijaayad ld sajaayad.
siji Badar la tumay, haldhan, buunshe iwm u kala saarid.
sijin eeg siji. ld sijis.
sijis ld sijin.
sijisan Wax la sijiyay ahansho (badar la tumay).
sijisasho eeg sijiso.
sijisnaan eeg sijisan. ld sijisnaansho.
sijisnaansho ld sijisnaan.
sijiso Badar la tumay haldhan, buunsho iwm u kala baxsasho.
sikasho eeg siko.
sikasta ld si.
page : 88 of 118
<< < 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 > >>