Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: meereysan
kabalafuq Roob aan badnayn oo rayskiisu ku egyahay inta kabta soo raacda; kablakac.
kaballeef Qof liidnimo darteed wax kasta oo dadnimada ku xun u hoggansama; kabaqaad.
kaban (1) (muus.) Alaabaha muusikada nooc ka mid ah. ld kaman.
kaban (2) Wax la kabey noqosho.
kaban (3) Wax la kabay ahaansho.
kabaqoys Geed nagaar dhulka ku fida, leh caleemo yaryar oo biyo ka buuxaan oo markii lagu istaago kabaha qooya.
kabar (1) 1. Janfar, jeefaar; dhalfo. 2. Qalab qori ama bir ka sameysan lehna albaab iyo khaanado, dharka iwm lagu rito; armaajo.
kabar (2) Daloolada xanjada ka sameysan ee shinnidu malabka ku keydsato.
kabaraad (1) Qab weyni dadka ku dhalata marka uu helo maal, wiilal, magac iwm.
kabaraad (2) Qab weyn muujin, qof yeeshay wiilal, maal, magac iwm.
kabaraadid eeg kabaraad². ld kabaa-radis.
kabaraadis ld kabaraadid.
kabardillaacsasho eeg kabar-dillaacso. ld kabardillaacsi.
kabardillaacsi ld kabardillaacsasho.
kabardillaacso Duleelka beejada weynaan.
kabare ld kabaro.
kabaro 1. Ganasade awr wax ku safrista; oo cidaha miyiga la guura. 2. Hanti yar oo la siiyo qof ganacsi loo abbaansado.
kabarray Nooc shinbiraha ka mid ah oo aan duulimaad badneyn, abuurka beertana la baxda. Midab bey ah leh oo hilibkeeda la cuno. ld barakadley.
kabash-kabash Si dhakhso ah oo kala daadsanaani ku jirto oo loo socdo. ld kabax-kabax.
kabash-kabashlayn eeg khabash-kabashlee. ld kabax-kabaxlayn.
kabash-kabashlee Si dhakhso ah oo kala daadsanaani ku jirto u socosho. ld kabax-kabaxlee.
kabasho eeg kabo.
kabasiib (1) 1. (-byo, m.dh) Tuug aan waxba reebin. 2. (-byo, m.dh) Kaballeef. 3. ld kabasiibid.
kabasiib (2) Cid xadid iyadoon waxba lagu reebin; mooradduug.
kabasiibid eeg kabasiib². ld kabasiib¹ (3).
kabatol ld kabatole.
kabatole 1. Qofka kabaha tola. 2. ld kabatol. Qalabka kabaha lagu tolo mid ka mid ah, oo mudaa weyn u eg.
kabawaar (1) ld kabawaarid.
kabawaar (2) Roob da'ayey joogsasho. ld kawaweer².
kabawaari Roob da'aya joojin (Ilaah).
<< < 867 868 869 870 871 872 873 874 875 876 877 > >>

 

Exit mobile version