Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dhiifoonaan
mijasaarid ld manjasaarid.
mijaxaabi ld manjaxaabi.
mijaxaabis ld manjaxaabin.
mijaxaabo ld manjaxaabin.
mijilic (1) M. ah: neef korriimadu ka xumaatay.
mijilic (2) Neef korriimadu ka xumaatay noqosho.
mijilicid eeg mijilic².
mijilis 1. ld majlis. 2. Loox laba lugood oo yaryar leh oo lagu fadhiisto gember.
mijin ld majin².
mijirkoos Maro adag midabyo badan u kala baxda oo la xiran jiray.
mikroskoob Qalab loo adeegsado inuu aad u weyneeyo waxyaalaha aad u yaryar ee aan isha caadiga ahi lagu arki karin.
mil (1) Milme hoore lagu qasay natiijada ka soo baxda.
mil (2) Adke milme ah, sida sonkor, cusbo iwm hoore ka dhigid.
milaad Qiyaasta qof maskaxdiisa wax ka qiyaaso.
milaadi Wax maskax ka qiyaasid.
milaadin eeg milaadi.
milaadsasho eeg milaadso.
milaadso Wax maskax ka qiyaasasho.
milaal (1) Buuxinta wax muggooda laga buuxsho wax kale. ld milaalid.
milaal (2) Wax mug leh, wax kale ka buuxin.
milaalan (1) Wax mug leh oo wax kale laga buuxshay noqosho.
milaalan (2) Ka m.: wax mug leh oo wax kale laga buuxshay ahaansho.
milaalid eeg milaal². ld milaal¹.
milaalmid eeg milaalan¹.
milaalnaan eeg milaalan². ld milaalnaansho.
milaalnaansho ld milaalnaan.
milan (1) ld milmid.
milan (2) (kiim.) Hoor ka unkamay laba ama dhawr nooc ama walxood kuwaas oo isugu dhex baahay si heer molikuyuuleed ah. Haddaba, milanku waa isku kaan buuxa. Xubinta hadba badan ee milan waxa la yiraa mile, badanaaba waa hoor saafi ah xubinta yarna waxa la yiraa milme (neef, hoor ama adke).
milan (3) 1. Milme wax hoore ku qasmay noqosho. 2. Dhar wax liinbaxay noqosho.
milan (4) Milme wax hoore ku qasmay ahaansho.
<< < 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 > >>

 

Exit mobile version