Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: teershari
dhagaxbaruur Dhagax midab cad leh oo jilicsan.
dhagaxdhaal Dhul meelina dhagax tahay, meelna ciid.
dhagaxdixeed Dhagax adag oo badanaa laga helo dhulalka biyo mareenka ah, sida togagga.
dhagaxturaanturro Wax kasta oo socod, hawl iwm xanniba oo ay la socon waayaan.
dhagaxyee Wax dhagax la dhacid. ld dhagxi.
dhagaxyeyn eeg dhagaxyee. ld dhagxin, dhagxis.
dhagdhag Qosol aad u dheer oo aan kala go'lahayn.
dhagi Maalinta kala barkeeda ee qorraxdu aad u kulushahay. ld dhadi.
dhagrid eeg dhagar².
dhagsii Qof ama wax dilid.
dhagsiin eeg dhagsii.
dhaguf Wadaan gaboowday.
dhagxi ld dhagaxyee.
dhagxin ld dhagaxyeyn.
dhagxis ld dhagaxyeyn.
dhaji 1. Ku dh.: wax meel ku nabid. 2. Ku dh.: qof wax ku ilayn. ld dheji (5).
dhaji (1) Nooc halaqa ka mid ah. ld haldheji.
dhajin eeg dhaji. ld dhajis (3), dhejin, dhejis.
dhajis 1. Mas gaboobay. 2. Cudur caloosha ku dhaca oo mantag badan leh oo la aaminsanyahay inuu ka dhashay ilayn qof la ileeyay. 3. ld dhajin.
dhajisgoyn Daaweynta cudurka dhejiska.
dhakaac Qayb lafdhabarta ah.
dhakaaci Qosol ka dh.: aad u qoslid.
dhakaacin eeg dhakaaci.
dhakaar 1. Madaxa. 2. Dhafoor.
dhakaaryayn eeg dhakaaryee.
dhakaaryee Cid dhakaarka ka garaacid.
dhakaaryo Garaacidda qof dhakaarka laga garaaco.
dhakab Dh. dheh: si fiican u qabo; dhabdheh.
dhakad ld dhakasho.
dhakafaar (1) 1. Yaab aad u weyn. 2. ld dhakafaarid.
<< < 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 > >>

 

Exit mobile version