khushuucsanaan ld khashuucsanaan.
khushuucsanaansho ld khashuuc-sanaan.
khusuusi 1. Lataliyeyaashii Sayidka mid ka mid ah. 2. Wax gaar ama khaas ah. ld qusuusi.
khuuri1 (khuuri, m.dh) Geed-gaab leh caleemo yaryar, xabag iyo qoryo udgoon oo guryaha loo shito. khuuri2 Khuuro sameyn. khuurin eeg khuri². ld khuuris.
khuuris ld khuurin.
khuuro Shanqar aan loo bogin oo kolka la hurdo neefsashada la socota oo afka ka timaadda.
ki ld kiisa².
kibilli Fiidmeer. ld kobolli.
kibir1 Qab iyo islaweyni. kibir2 Qab iyo islaweyni muujin. kibirsan Qof kibray ahaansho.
kibirsanaan eeg kibirsan. ld kibir-sanaansho.
kibirsanaansho ld kibirsanaan.
kibis Cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo, caano ama wax kale lagu qaso oo dabadeed inta qaabab badan loo yeelo la dubo; muufo.
kibraan Qof kibir badan.
kibri Cid kibir ku abuurid.
kibrid eeg kibir².
kibriid ld kabriid.
kibrin eeg kibri. ld kibris.
kibris ld kibrin.
kici 1. (f.g) Wax fadhiya istaajin. 2. (f.g) Qof hurda toosin. 3. (f.g) Qoraal hikaadin. 4. (f.g) Matoor iwm howlgelin. 5. (f.mg) Ku k.: col meel ku weerarid.
kicid eeg kac.
kicin1 Isbeddel daruuraha iyo hawada gala kolka xilliga roobku bilaabanayo; kacsan. kicin2 eeg kici. kicitimid eeg kicitin².
kicitin1 Socdaal; safar. kicitin2 Meel u socdaalid. kidaar Nooc kibis ka mid ah.
page : 914 of 1584
<< < 909 910 911 912 913 914 915 916 917 918 919 > >>