kiloogaraam Summad: Kg. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee cufka loona qeexo cuf le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna keydiyo waaxda keydinta cabbirka iyo misaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. Muunadda caalamigu waxa ay ka samaysan tahay dhululubo jooggeedu le'egyahay dhexroorkeeda kana diyaarsan iskudhaf ka kooban 90% balaatinum iyo 10% iridiyam.
kiloogaraam culeys eeg cufisjiidad.
kimistariga noolaha (kiim.) Barashada kiimistariga noolayaasha, gaar ahaan dhismayaashooda iyo shaqada waxyaabaha kiimikeed ee ay ka koobanyihiin, sida badan borotiin, kaarboohaydrayt, dux iyo asiidho bu'eed.
kimistariga oorgaanigga ah (kiim.) Kiimistariga iskudhisyada kaarboon.
kimistariga orgaanig-ma-ahe (kiim.) Laan ka mid ah kiimistariga oo la xiriita curiyayaasha (marka laga reebo kaarboon) iyo weliba diyaarintooda, astaamahooda iyo falgallada isku dhisyadooda iskudhisy fudud oo kaarboon ah oo kooban oo ay ka mid yihiin ogsaydhadu ayaa lagu bartaa kiimistariga orgaanig-ma-ahe.
kiniin ld kiniini.
kiniini (daaw.) Dawo la adkeeyey oo iniinaha laga dhigo, guud ahaan oo afka laga qaato.
kintir (c.nafl.) Xubin yar oo jilicsan oo u eg dhoorka digaagga oo ku taal xubinta taranka haweenka, kuna shaqo leh dareenka macaansiga galmada.
kir Yallah!, hayahee! bax!, tag!, kac!, hus!, yur! ld kis.
kiree Hanti gaar ah sida baabuur, guri iwm manaafacaad-sigooda cid kale lacag kul heshiin.
kireyn eeg kiree. ld kireys.
kireys ld kireyn.
kireysad ld kireysasho.
kireysasho eeg kireyso. ld kireysad, kireysi.
kireysi ld kireysasho.
kireyso Hanti gaar ah sida baabuur, guri iwm ijaarasho.
kirib ld kareeb.
kiriiri 1. Geed-gaab, geed-madow ah oo cufan oo leh miro kuuskuusan oo hurdi ah iyo caleen xanaf leh. 2. (-iyo, m.dh) Waxyaalo jaadad badan ah oo salka loo dhuubo, oo inta faraha lagu wareejiyo ama xarig salka lagala dhaco, lagu cayaaro oo aad u xiima una dheereeya.
kirishboy Inan yar oo ka shaqeeya baabuurka oo caawiya wadaha.
kirishowmirish Xayr, calool iyo mindhicir la isku maray oo la karsado.
kirishtaan (dii.) Nin aaminsan diinta Masiixiga.
kirishtaanad (dii.) Haweeney aaminsan diinta Masiixiga.
kirishtaannimo (dii.) Kirishtaan ahaansho.
kirkir1 Raadka ay reebto mindi iwm oo aan af lahayn oo wax lagu gooyay. ld kirkirid. kirkir2 1. (daaw.) Cudur bulshadeed ragga kaga dhaca guska oo inta hore gooya, lagana qaado galmada. 2. (daaw.) Nabar furan oo aan xanuun lahayn oo ka samysma meesha jeermigu jirka ka galay (guska, dibnaha, iwm) waana astaanta ugu horreysa ee xabbadda (siifilis). kirkir3 Mindi aan af lahayn wax ku goyn. kirkiran Wax kirkir leh ahaansho.
kirkirid eeg kirkir³.
kirkirmid eeg kirkiran¹.
kirkirnaan eeg kirkiran. ld kirkir-naansho.
page : 917 of 1584
<< < 912 913 914 915 916 917 918 919 920 921 922 > >>