huwanaansho ld huwanaan.
huwasho eeg huwo. ld huwad.
huwi Cid wax ku daboolid. ld huwisii.
huwin eeg huwi. ld huwis, huwisiin.
huwis 1. (-syo, m.dh) Go'weyn oo tol leh oo la siiyo ugaasyada. 2. ld huwin. huwisii lg2 (-iiyay, -iisay) ld huwi.
huwisiin ld huwin.
huwo Wax dusha isaga daboolid (maro, buste iwm.).
huy Nooc ciyaaraha biyaha korkooda lagu ciyaaro ka mid ah oo lugaha la isla dhaco; shaambo.
huyuc1 Isbeddelidda wax huuray urkoodu isbeddelo. ld hunyuc¹. huyuc2 Wax la huurshay urkooda isbeddelid. ld hunyuc². huyucid eeg huyuc².
huyucsad ld huyucsasho.
huyucsan Wax qaab xun oo aan kala baxsanayn leh ahaansho. ld hunyucsan.
huyucsanaan eeg huyucsan. ld hunyucsanaan, hunyucsanaansho, hu-yucsanaansho.
huyucsanaansho ld huyucsanaan.
huyucsasho eeg huyucso. ld huyucsad, huyucsi.
huyucsi ld huyucsasho.
huyucso Si qaab xun tabar darri ku jirto u socosho.
huyun (huyun/-nno, m.dh) Geed dheer oo aan qodax lahayn, xabag la cunana leh, oo qoryihiisa weelasha siddo looga sameeyo.
huyuumas (baay.) Maatar kiimiko ahaan burburay ama qayb ka mid ah burburtay kana mid noqday carrada, kaasoo asal ahaan ka yimid dhir ama xayawaan. Dhulka aan beernayn huyumasku waxuu uga yimaadaa dhir hore oo si dabiici ah u quruntay; dhulka qodan ee la beeray huyumaska wuxuu ka helaa digada xoolaha lagu bacrimiyo.
huyuumiso ld hayaamiso (2).
page : 93 of 93
<< < 88 89 90 91 92 93