Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: siin
laablakicid  Fal ka fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso dareemid.
laabmid  eeg laaban¹.
laabnaan  eeg laaban². ld laabnaansho, laabni.
laabnaansho  ld laabnaan.
laabni  ld laabnaan.
laabniin  ld laabid.
laabo  1. (f.g) Wax fidsan ama jilicsan isku soo ceshasho. 2. (f.mg) Jiho loo socday ka weecasho.
laabqarrar  ld laabjeex.
laabqoyan1  Qoray iwm oo aan si fiican u engegin ee lidda ka qoyan. laabqoyan2  Qori iwm wax aan si fiican u engegin ahaansho. laabqoyanaan  eeg laabqoyan². ld laabqoyanaansho.
laabqoyanaansho  ld laabqoyanaan.
laabraac1  U bogid wax loo bogo oo niyadda laga jeclaysto. laabraac2  Wax loo bogo laabta ka raacid, ka jeclaysasho. laabraacid  eeg laabraac².
laabsami  Caloolsami, niyedsami.
laabtaxaw  (c.nafl.) Carjaw yar oo ka lulata lafta sakaarka dhankeeda hoose. ld laabxuunsho, labxo.
laabtuurle  (jool.) Muuqaal dhuleed qaanso u eg oo ka dhasha isa soo cadaadinta dhagxaanta dhulka hostiisa.
laabxuunsho  ld laabtaxaw.
laac1  Muuqaalka guud ee geedaha cagaaran. laac2  1. (f.g) Gacan fidsan wax ku tiigsasho. 2. (f.mg) Ka l.: cunto, cabbitaan iwm deg-deg u dhammaysasho. 3. (f.mg) Naq baxay muuqasho. laacayaal  (bot.) Mid ka mid ah qaybaha ubaxa taas oo samaysa korollaha. Laacayaasha dhirta cayayaanku faxliyey had iyo jeer aad ayey u ifaan, badanaana way udgoonyihiin.
laacdamid  eeg laacdan². ld laactamid.
laacdan1  1. Cayaar iyo bardoodan uu sameeyo geela da'da yar. 2. Fara ka ciyaar. ld laactan¹. laacdan2  1. Geel da' yar bardoodamid. 2. Dad fara ka ciyaarid. ld laactan². laace  (xis.) Xarriiqda toosan ee uu xood aad ugu dhawaado (ama sigo) hase yeeshe aan weligii taaban. Tusaale ahaan, labosaabka waxa uu leeyahay laba laace. Marka xoodka isle'egtiisu tahay 1 garaaf ahaan loogu muujiyo laba addimaale kulannada kaartis waxa ay laaceyaashiisu noqonayaan x = 0 iyo y = 0 (eeg: labosaab).
laacib  Qof ciyaar aad u yaqaan; xariif; xarfaan; .
laacid  eeg laac².
laactamid  ld laacdamid.
laactan1  ld laacdan¹.
page : 939 of 1584
<< < 934 935 936 937 938 939 940 941 942 943 944 > >>

 

Exit mobile version