laashin1 Qof maansada tiriya. laashin2 Laba laamood oo mataano ah middood. laashinnimo Laashin ahaansho.
laasim1 Wax joogto ah. laasim2 Lamahuraan ah. ld laasin². laasimasho eeg laasimo.
laasimid eeg laasin³.
laasimo 1. Wax caadaysasho. 2. Meel ku raagid.
laasin1 1. Nooc ka mid ah siyaaqadda ay dumarku qaataan oo ka samaysan dahab ama lacag. 2. Raatibka tusbaxa. laasin2 ld laasim². laasin3 1. Nooc ka mid ah siyaaqadda ay dumarku qaataan oo ka samaysan dahab ama lacag. 2. Raatibka tusbaxa. laaso ld layso.
laastiko Wax ka samaysan maaddo marka la kala jiido aan go'in ee kala baxa.
laatiin Far ama af qaddiim ah oo Roomaaniyiintii hore ku dhaqmi jireen.
laaxig Bayd faal oo madaxa ka ah labo, tan ku xigtana hal, manjaha iyo tan ka sarreysana min labo.
laaxin Hadal siduu u dhawaaqi lahaa aan loo qorin ama loo akhrin; gef; qalad.
laayaan L. ah: nafley, nafleyda kale si naxariisdarro ah u waxyeeleysa.
laayac1 1. Qof xoolaha lumiya oo aan si fiican u ilaalin. 2. Wax aan la ilaalin. ld layac¹. laayac2 Wax baylihid. ld layac². laayacan1 Wax aan la ilaalinayn noqosho. ld layacan¹. laayacan2 Wax la layacay ahaansho. ld layacan². laayacmid eeg laayacan¹. ld layacmid.
laayacnaan eeg laayacan². ld laayacnaansho, layacnaan, layacnaansho.
laayacnaansho ld laayacnaan.
laayicid eeg laayac². ld layicid.
lab1 1. Labada jaad ee nafleydu u kala baxdo, midka aan uurka yeelan; labood, rag. 2. Qas. lab2 1. Wax isku qasid. 2. Wax jaah-wareerin. lab3 Wax adag ahaansho. laba ld labo¹.
laba jibbaarane Afar geesle leh afar dhinac oo toosan oo isle'eg iyo afar xaglood oo qumman. Bedka labajibbaarane waxa lagu helaa labajibbaarka dhinac ka mid ah dhinacyadiisa.
page : 944 of 1584
<< < 939 940 941 942 943 944 945 946 947 948 949 > >>