lababoglee ld lababboglee.
lababogleyn ld lababbogleyn.
lababogleys ld lababbogleyn.
labac 1. Xabad baruur leh. 2. Candho xoolaad oo baruur leh.
labacaloolyaa Geedgaab aan qodax lahayn oo marka ay xooluhu daaqaan ku jirradaan.
labacanlayn eeg labacanlee. ld labacanlays.
labacanlays ld labacanlayn.
labacanle Calalinta cuntada labada can lagu calaliyo. ld labacanlayn.
labacanlee Labada daan isku mar wax ku calalin.
labacidhifle (fiis.) Labo saldanab oo isle'eg, isku lid ah, iskuna jira fogaan kooban. Taranta saldanabyada midkood iyo fogaanta u dhexeysa ayaa ah maroojinta labacidhifle.
labaclabac Qof aan go'aan lahayn.
labaclul 1. Ruxashada xulusta iyo naasaha. 2. Neef xoolo ah oo sid dhaweeyey oo candho keenay.
labacodlayn eeg labacodlee. ld labacodlays.
labacodlays ld labacodlayn.
labacodlee Hadallo isburinaya sheegid.
labacqooye (bot.) Geed nagaar ah oo wax lagu daweeyo.
labad ld labasho.
labadablayn eeg labadablee.
labadable L. ah: qof laba guri ka wada cunteeya.
labadablee Laba guri ka wada cuntayn (qof).
labadaryaale ld labadderyaale.
labaddableyn eeg labadablee.
labaddaraadle Si kastaba; hubaal ahaan.
labadderyaale Aqal soomaali weyn, qurux badan, oo qalabka uu ka samaysanyahay ay cusubyihiin. ld labadaryaale.
labaddiblayn eeg labaddiblee.
labaddible Xiridda gacmaha qof gadaal loo xiro; garbadduub. ld labaddiblayn.
labaddiblee ld labaddilee.
labaddibleysan Wax labadible loo xiray ama loo qabtay ahaansho.
labaddibleysnaan eeg labaddibleysan. ld labaddibleysnaansho.
labaddibleysnaansho ld labaddibleysnaan.
page : 946 of 1584
<< < 941 942 943 944 945 946 947 948 949 950 951 > >>