Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaqaan
sirqis  ld sirqin.
sirqo  Qof aad u duqoobay oo tabar dhigay.
sirqoobid  eeg sirqow.
sirqow  Sirqo noqosho.
sirridaari  Qof la aaminsanyahay in uu wax ka ogaan karo wax soo socda oo aan weli dhicin.
sirrow  Qof sir badan; khayaanalow.
sirsir  1. Dowlisgoys; xariggoys. 2. S. ah: sallax; digdigo.
sirutibyayn  ld sirdilid.
sirutibyays  ld sirdilid.
sirutibyee  ld sirdil.
sirutibyo  ld sirdilyo.
sisib  Meel siman oo lagu simbiriirixan karo.
sisibasho  eeg sisibo.
sisibo  Sisib ku kufid.
sisin  1. Geednagaar la beerto oo dhala miro yaryar oo saliid cuntada lagu darsado laga miiro. 2. Miraha geedka sisinta oo laga miiro saliid macsarada.
sitaac1  Suun dun la qurxiyey oo bul leh ka samaysan oo fardaha qoorta loo geliyo. sitaac2  ld sitaaci. sitaaci  Faras sitaac u yeelid. ld sitaac².
sitaacid  ld sitaacin.
sitaacin  eeg sitaaci. ld sitaacid.
sitaacsasho  eeg sitaacso. ld sintaacsasho.
sitaacso  1. (f.g) Faras sitaac ku xirasho. 2. (f.g) Wax qurxin; wax xardhid. 3. (f.mg) Derbi, kursi iwm ku tiirsasho.
siti  Magac loo yaqaan Faadumo Rasuul.
siwalba  ld si.
sixad  ld saxasho.
sixasho  ld saxasho.
sixid  ld saxid.
sixiimad  ld saxiimad.
sixin  Burcad la shiilay subagga saafiga ah oo ka soo baxa.
sixir1  Farsamo ku dhisan aqoon qarsoon oo la moodo in ay saamays weyn leedahay oo cid wax lagu yeeli karo; falfal.
page : 96 of 118
<< < 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 > >>

 

Exit mobile version