ladaabi Xoolo maalin walba waraabin.
ladaabin eeg ladaabi. ld ladaabis.
ladaabis ld ladaabin.
ladaabo Xoolo maalin walba biyo cabbid.
ladaadyo Laqanyo.
ladaadyoo Laqanyo dareemid.
ladaadyood eeg ladaadyoo.
ladan 1. Wax caafimaad qaba ahaansho. 2. Wax barwaaqaysan ahaansho.
ladhac Ka helid.
ladhicid eeg ladhac.
ladid eeg lad. ld ledid.
ladnaan eeg ladan. ld ladnaansho.
ladnaansho ld ladnaan.
ladnayn eeg ladnee.
ladnaysii 1. Wax fayow ka dhigid. 2. Wax barwaaqaysan ka dhigid.
ladnaysiin eeg ladnaysii.
ladnee 1. Eebbe, cid wax ladan ka dhigid. 2. Eebbe, cid maal badan siin.
ladqabayn eeg ladqabee. ld ladabays.
ladqabays ld ladqabayn.
ladqabee 1. (f.g) Qof caraysan maslixid. 2. (f.mg) Kala l.: laba qof ama ka badan oo dagaashan maslaxo dhex dhigid.
ladqabo 1. Dhexdhexaadin iyo maslaxo laga dhex dhaliyo dad dagaashan. 2. ld laqdabo.
laf 1. Mid ka mid ah qalfoofta nafleyda. 2. Bur yar. 3. Qolo; jilib. 4. Qaybta adag ee ku dhex jirta miraha. 5. L.tayda (-taada, -tiisa iwm): eray sii adkaynaya qofka laga hadlay oo sheegaya in qofku qofkaas yahay ee aan cid kale la sheegayn; qofka naftiisa.
laf-arax (c.nafl.) Qayb godan oo qaab saddex gees leh ee lafdhabarta waxayna ka koobantahay shan (5) lafood oo iskudhafan. Waxay kaga dhaggantahay laf-xariirta ugu hooseysa qaybta moxogga ee lafdhabarta, hoos waxa ka ah lafta dabagibinta dhinacyadana lafaha miskaha ayaa ka xiga.
lafaggur1 1. Bixinta meel jabtay lafaha laga bixiyo. 2. Ka baaraandegga arrin iwm lagu sameeyo. ld lafaggurid. lafaggur2 1. Meel lafi ka jabtay burbur ka bixin. 2. Timir, hilib iwm lafo ka gurid. 3. Arrin ka baaraandeggid. lafaggurid eeg lafaggur². ld lafaggur¹.
lafajebin Hadal saamayn weyn leh oo sharafta iyo shaqsiyadda qofka dhaawaca.
lafajebis 1. Qori ama bir lafaha lagu jejebiyo. 2. L. ah: hadal sharafta iyo shaqsiyadda qofka wax u dhima.
lafallafo L. ah: qof caato awgeed lafahiisu muuqdaan.
lafallafoobid eeg lafallafow.
page : 953 of 1584
<< < 948 949 950 951 952 953 954 955 956 957 958 > >>