lallabayn eeg lallabee.
lallabaysad ld lallabaysasho.
lallabaysasho eeg lallabayso. ld lallabaysad, lallabaysi.
lallabaysi ld lallabaysasho.
lallabayso Ka l.: wax meel yaal wada xaraasho.
lallabbo ld lallabo.
lallabee Wax dhacay dad uga digid.
lallabo1 1. Laqanyo; yaqyaqsi. 2. Qayladhaan gurmad degdeg ah. 3. Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca. ld labbalabbo, labballabbo, lablabbo, lallabbo. lallabo2 (daaw.) Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca. lallaboo Yaqyaqsi dareemid.
lallabood eeg lallaboo.
lalleemo (daaw.) Gariir gacmaha dadku yeeshaan gabow ama jirro awgeed.
lalmad ld lalmasho.
lalmasho eeg lalmo. ld lalmad.
lalmi Wax laallaadin.
lalmin eeg lalmi. ld lalmis.
lalmis ld lalmin.
lalmo Wax laallaada noqosho.
Lamaane eeg Lammaane.
lamaddegaan1 Dhul ballaaran oo aan dhir iyo biyo midna lahayn, dad iyo duunyana ku dhaqmi karin. lamaddegaan2 (juqr.) Dhul aan deegaani ka bixin oo roobka iyo qoyaanka kaleba ku yaryihiin oo aan qoyaanku si fiican u kaalmayn deegaanta lamaddegaan aan haba yaraatee deegaani ka bixin, ma aha caadi. Waxaa laga yaabaa in lamaddegaanku yahay mid uu caws aad u liitaa ka baxo ama dhir aad u liidataa. Waxaa jira lamaddegaanno dhawr nooc ah sida: lamaddegaan dhadhaabeed, lamaddegaan dhagaxeed, iyo lamaddegaan bacaadeed. Lamaddegaannada waxaa loo qaybiyaa labo nooc: lamaddegaannada kulaalayda iyo kuwa loolalka dhexe. Kawa kulaaleyda waxaa ugu caacsan tan Sahaara iyo tan Areebiya. Kuwe loolka dhexena waxaa ugu caansan midda Goobi iyo midda Turkistan. lamafilaan L. ah: wax si kedis ah ku dhaca ama ku yimaad.
lamagayaan Rag iyo dumar inta aan meher isu qaban.
lamahuraan Wax aan la'aantoodu la ahaan karin, aan la huri karin.
lamahuraannimo Lamahuraan ahaansho.
lamakaraan L. ah: qof garmaqaate ah; macangag.
lambar Mid ka mid ah ah tiro taxane ah oo wax leeyihiin. ld nambar.
lambarayn ld lambarin.
lambaree ld lambari.
lambari Wax lambar u yeelid. ld lambaree, nambaree, nambari.
page : 956 of 1584
<< < 951 952 953 954 955 956 957 958 959 960 961 > >>