lambarin eeg lambari. ld lambarayn, lambaris, nambarayn, nambarin, nambaris.
lambaris ld lambarin.
lambarsan Wax lambar loo yeelay ahaansho. ld nambarsan.
lambarsanaan eeg lambarsan. ld lambarsanaansho, nambarsanaan, nambarsanaansho.
lambarsanaansho ld lambarsanaan.
lammaan1 1. Nafley laba isdhashay ah oo meel ku wada sugan. 2. Labo weligood wada socda. 3. ld dammaan. lammaan2 (baay.) Marka la sharraxayo bu'da, unug ama noole leh labanlaabka tiro dhiman oo koromosooma ah ee astaanta sinjiyada. lammaan3 Nafley laba isdhashay wax meel ku wada sugan ahaansho. lammaanaan eeg lammaan³. ld lammaanaansho.
lammaanaansho ld lammaanaan.
lammaanad1 ld dammiinasho. lammaanad2 ld dammiinad. lammaanasho ld dammiinasho.
lammaane (nax.) Erey ka kooban labo erey ama in ka badan oo kala duwan, yeeshana micno cusub. Tus. “dhul + bare -> dhulbare”. Lammaane = la iyo maan halka e-da danbena ay tahay mid sheegaysa adkaanshiyo sida wax isku naban, isku sudkan. Tusaale: “Waa baahi ka dhaxeysa laba shakhsi si ay isku dhameystiraan”
lammaane-horsan (xis.) Lammaane kutirsaneyaal ah sida (x,y) oo kala horreysiintoodu ay micne weyn ku fadhido. Tusaale ahaan, lammaanaha horsan (2,3) lama mid aha lammaanaha horsan (3,2), marka lagu muujiyo dhidabbada kaartis.
lammaani Ku l.: wax, wax kale ku xoojin, ku labayn, raacsiin.
lammaanid ld dammiinid.
lammaanin eeg lammaani.
lammaano ld dammiino.
lammo 1. Laba maqaar lo'aad oo isku midab ah iyo maqaar saddexaad oo ka midab duwan oo inta si farsamaysan laysugu dhafo, laysku tolo oo mid laga dhigo. 2. ld labo.
Landhan Magaalada Landhan (Af-Ingiriis: London) waa caasimada wadanka Ingiriiska.
laq ld liq.
laqan1 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag. laqan2 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da'yaraan ku dhimasho. laqannimo Laqan ahaansho.
laqanyayn eeg laqanyee.
laqanyee Cid laqanyo dareensiin.
laqanyo (daaw.) Liidaanyo ay keenaan baruur iyo subag badan oo la cunay; ladaadyo; lallabbo.
laqanyoo Laqanyo dareemid.
laqanyood eeg laqanyoo.
page : 957 of 1584
<< < 952 953 954 955 956 957 958 959 960 961 962 > >>