sixir (2) Nooc siilaanyada ka mid ah oo dusha ku leh midabbo.
sixir (3) Cid sixir wax ku yeelid.
sixirfur Daaweynta cid sixir laga daaweeyo. ld sixirfuryo.
sixirfuryayn eeg sixirfuryee.
sixirfuryee Cid sixir ka daaweyn.
sixirfuryo 1. Waxyaabaha lagu daaweeyo sixirka. 2. Siyaalaha sixir loo daaweeyo. ld sixirfur.
sixiroole ld sixirrow.
sixirrow Qof sixirka yaqaan. ld sixiroole.
sixni ld saxan¹.
sixo (1) ld saxo¹.
sixo (2) ld saxo².
sixran Wax la sixray ahaansho.
sixranaan eeg sixran. ld sixranaan-sho.
sixranaansho ld sixranaan.
sixrid eeg sixir².
siyaabo eeg si.
siyaad Wax xaddigooda kordhid.
siyaadi Wax xaddigooda kordhin.
siyaadid eeg siyaad.
siyaadin eeg siyaadi. ld siyaadis.
siyaadis ld siyaadin.
siyaado Inta ku kororta wax xaddi-gooda hore loo ogaa.
siyaadsasho eeg siyaadso.
siyaadso Wax kor-dhisasho.
siyaakhad Qalab ka samaysan macdan qaali ah oo ay ka mid yihiin dahabka, qalinka iwm oo haweenku isku qurxiyaan; suuqad.
siyaal (jool.) Ereyga loo isticmaalay si loogu garto dhadhaabaha khafiifka ah oogada dhulka, oo uu ka mid yahay garanaytka qaaradaha hoostooda.
siyaalo eeg si.
siyaara (juqr.) (Isbaanish) silsilad dheer oo buuro ah oo leh oogo aan sinnayn, Isbeyn iyo Isbaanishka Maraykanka.
siyaarasho eeg siyaaro².
siyaaro (1) 1. Booqasho cid loogu tago. 2. Xus qof dhintay loo dhigo oo loogu duceeyo.
<< < 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 > >>