Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaqaan
siyaaro2  1. Cid booqasho ugu tegid. 2. Qof dhintay xusid. siyaasad  1. Hab maamul dawladeed oo lagu wado waddan gudihiisa ama dibaddiisa. 2. Laan cilmiga bulshada ka mid ah oo lagu barto hab maamulka dawladeed. 3. Basar; dhagar. ld siyaaso.
siyaasad dhaqaale  Barashada habka ama qaabka ay dawlad ku wadda ama ku dhista dhaqaalaha unmadda.
siyaasad waxbarasho  (siyaa.) Barashada habka ama qaabka ay dawlado ku waddo nidaamka waxbara-shada, iyo ujeeddoyinkiisa.
siyaasadayn  eeg siyaasadee. ld siyaasadays.
siyaasadays  ld siyaasadayn.
siyaasadee  1. Cid siyaasad kula dhaqmid. 2. Cid khayaa-mayn.
siyaasi  1. Qof cilmiga siyaasadda yaqaan kuna shaqeeya. 2. Qof si xirfad leh arrimaha u maareeya.
siyaaso  ld siyaasad.
so'  1. Hilibka intiisa jiirka ah ama cad. 2. Cagaarka meel bannaan oo biyo ku fideen ku hara. 3. Meel ceelal badan oo isu dhow ku yaallaan. 4. Dhulka intay joogsadaan xoolaha ceelka ka cabbayaa.
so'yaqaan  Nafley hilib keliya ku nool; hilib-cun.
socdaal1  1. Safar meel fog lagu aado. 2. S. ah: qof safar ah. ld sadcaal¹, sodcaal¹. socdaal2  Meel fog safar ku aadid. ld sadcaal², sodcaal². socdaalid  eeg socdaal². ld sadcaalid, sodcaalid.
soco  1. (f.g) Socod samayn. 2. (f.g) Hadal la hayey sii wadid. 3. (f.mg) La s.: cid la saaxiibid. 4. (f.mg) La s.: wax xogtooda hayn.
socod  1. Lugaha oo si isbada-joog ah loo qaado iyadoo meel laga dhaqaajinayo. 2. Dhaqdhaqaaq aan joogsi lahayn.
socod iskudubbaridan  (fiis.) Socod kaleedka saxar ama walhasho leh muuqaal-ka hireed ee qaabka garaafka sayn.
socod iskudubbaridan oo fudud  (fiis.) Saxar ama walax ee waxa ay ku socotaa socod iskudubbaridan oo fudud, marka ay ku washato bar maguur, ayna raacdo xarriiq toosan. eeg socod iskudubbaridan.
socodka barawn  (fiis.) Socodka hablaawaha joogtada ah ee saxarada maatarka (ugu dhawaan dhexroor 1æm ah) marka ay dul heehaabayaan hoor.
socodsii  1. Wax dha-qaajin. 2. La s.: wax xogtooda cid ogaysiin.
socodsiin  eeg socodsii.
socooban  ld sacoobaan.
socosho  eeg soco.
socoto  Cid meel ka tagtay oo meel kale safar u aaday.
sodcaal1  ld socdaal¹. sodcaal2  ld socdaal². sodcaalid  ld socdaalid.
soddog  Haweeney la qabo aabbaheed waxa uu ninkeeda u yahay ama waxa ninka aabihiis u yahay haweeneyda uu qabo.
soddognimo  Soddog ahaansho.
soddogoobid  eeg soddogow.
page : 98 of 118
<< < 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 > >>

 

Exit mobile version