luggelin eeg luggeli. ld luggelis.
luggelis 1. L. ah: xoogsade aan si joogto ah u shaqayn ee hadba kol shaqeeya. 2. ld luggelin.
luggo' Meel wax laga doonay ka waayid.
luggo'id eeg luggo'.
luggoo 1. Cid waqti ka lumin. 2. Si kas ah qof marin toosan uga habaabin. 3. Cid ballan been ah siin.
luggooyo Hagardaamo iyo dibindaabyo cid loo geysto. ld luggoyn.
luggoyn eeg luggoo. ld luggooyo.
lughel La l.: cid socotay raacid.
lughelid eeg lughel. ld lughel.
lugkaliley L. ah: rarada aan masaydeedu ciyiga lahayn.
lugkaliyaale L. ah: geed dhud keliya ah oo aan laamo lahayn.
luglahaan eeg lugleh. ld luglahaansho.
luglahaansho ld luglahaan.
lugleh Ku l.: saamayn ku leh, la xiriira.
lugqaad (1) Kor u qaadidda lug kor loo qaado inta la maalayo rida.
lugqaad (2) La l.: cid socod la billaabid.
lugqaadid eeg lugqaad².
lugtool (bot.) Geed dheer oo toos u baxa oo aan laamo ka farcama lahayn.
lugyaro (daaw.) Cudur ku dhaca lugaha oo lugtii uu ku dhaco ay ka yaraato lugta kale ama ka gaabato.
luki Digaag.
lukowle Ciyaar hal lug lagu tartamo; hangoole.
lul (1) Wax jilicsan oo dabka la shidayo marka hore lagu huriyo.
lul (2) 1. Wax ruxid. 2. Wax meel ka soo lalmin.
lulad ld lulasho.
lulan (1) Wax la lulay noqosho.
lulan (2) Wax la lulay ahaansho.
lulasho eeg lulo. ld lulad.
lulid eeg lul². ld lulniin.
lullume (1) 1. Kalluun aad u yaryar oo biyaha macaan ku nool. 2. Cayayaan yaryar oo biyaha macaan ka dhasha; miraxareedeed. ld lullumo.
lullume (2) (c.nafl.) Heerka caydiga ee raha. Wuxuu leeyahay dabo dheer iyo waafyo. Lulumadu heerka caydiga oo dhan waxay ku nooshahay biyaha. Lugaha dambe ayaa ka hor kora lugaha hore, aakhirkana dabada ayaa ka go'da inta aanu noqon rah qaangaadh ah.
<< < 973 974 975 976 977 978 979 980 981 982 983 > >>