lugtool
(m.l)(bot.) Geed dheer oo toos u baxa oo aan laamo ka farcama lahayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lugtool ā“
aale [m.l]
Geed lugtool ahaan u baxa, sida
qasabka, galleyda, maseggada, qaysaraanta
iwm.
laan [m.l]
1. Xubinta taranka ee haweenka. 2. Geed lugtool ah. 3. Geed bixiya miro laysku daaweeyo. 4. ld laam. Magaca carbeedka xarafka āLā.
babbaay [m.l]
Geed-mirood dheer, lugtool ah oo baarka sare ku leh caleemo balballaaran iyo miro waaweyn, macaan oo leh iniino filfisha u eg; mafafaay.
wamme [m.l]
Geed yar oo jilicsan oo lugtool ah oo korna ubax qurux badan ku yeesha, hoosna buruq kuusan oo kulul oo biir leh, oo xoolaha lagu dhacariyo, layskuna daweeyo. ld mawe.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg