Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dhaniimid
guudfuul (2) Xakame la'aan fuulid (faras).
guudfuulid eeg guudfuul². ld guudfuul¹.
guudlihi Magac guud oo ay wadaagaan haweenka iyo farduhu.
guudmar (1) ld guudmarid.
guudmar (2) Hadal duuban oo kormar ah ku hadlid.
guudmarid eeg guudmar². ld guudmar¹.
guugguule Shimbir cidiisu “guu-guu” tahay; dhoor buu leeyahay; hud'hud.
guul (1) 1. Xoolo aroor ah oo ka dhaxay xeradoodii. 2. ld guulid.
guul (2) Dagaalka ama tartanka oo lagu adkaado; lib; libin; liibaan.
guul (3) 1. (f.g) Cid haddadid. 2.(f.mg) Xoolo aroor ama wabax ah meel ceelka u dhow habeen u hoyasho. 3. (f.mg) Xoolo iwm dhaan isugu keenid. Tus. “Geelii wuxuu isugu guulmay gasada”.
guulaamee Daruuro badan oo biyeysan cirka heehaabid.
guulaameyn eeg guulaamee.
guulaamo 1. Daruuro waaweyn oo biyeysan, madow oo cirka maaxa. 2. Qiiq si xoog leh isu qabsaday. ld guuleeto.
guulalloobid eeg guulallow².
guulallow (1) Welwel iyo cabsi ku dhasha qofka marka uu ka baqayo dhibaato ku soo fool leh.
guulallow (2) Dhibaato ku soo fool leh awgeed welwel iyo cabsi dareemid.
guulallowsan Wax guulallow hayo ahaansho (qof).
guulallowsanaan eeg guulallowsan. ld gulallowsanaansho.
guulallowsanaansho ld guulallowsanaan.
guulan Wax isu ururay oo gadaal u gurtay noqosho.
guulato Naag aan sarriig lahayn oo martidu ku soo dhiirran aqalkeeda.
guuldarraysad ld guuldarraysasho.
guuldarraysasho eeg guuldarrayso. ld guuldarraysad, guuldarraysi.
guuldarraysi ld guuldarraysasho.
guuldarrayso Guuldarro la kulmid.
guuldarro Ku fashilmidda dagaal, tartan iwm lagu fashilmo.
guuleeto ld guulaamo.
guuleysad ld guuleysasho.
guuleysasho eeg guulayso. ld guuleysad, guuleysi.
guuleysi ld guuleysasho.
<< < 94 95 96 97 98 99 100 101 102 > >>

 

Exit mobile version