Guul

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

1. Xoolo aroor ah oo ka dhaxay xeradoodii. 2. ld guulid.

Guul

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-lo, m.l)

Dagaalka ama tartanka oo lagu adkaado; lib; libin; liibaan.

Guul

Qaabnaxa: Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1 Isrogrogga: (-uulay, -uushay)

1. (f.g) Cid haddadid. 2.(f.mg) Xoolo aroor ama wabax ah meel ceelka u dhow habeen u hoyasho. 3. (f.mg) Xoolo iwm dhaan isugu keenid. Tus. “Geelii wuxuu isugu guulmay gasada”.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga guul

gaabbaguul | gaabbaguul | na | gaabbaguulid | eebbe | gaaddabbuur | gaaddabbuur | jab | naallee | oonguul |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg