Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: sibirayn
mirnaan eeg miran. ld mirnaansho.
mirnaansho ld mirnaan.
miro (1) 1. Timaarta dhirtu dhasho. 2. Xabuubka beeraha ka baxa. 3. Tix ay heesi ka koobantahay. 4. Lohod iwm.
miro (2) 1. (f.g) Xoolo kale ka soocasho. 2 (f.mg) Xoolo habeen daajisasho. 3. (f.mg) Xoolo habeen daaqid.
mirqid eeg miriq².
mirraw Geedgaab aan caleen lahayn oo geelu daaqo.
mirriji Neef la maalay candhadiisa jiidjiidid si ay mar labaad caano ugu soo dhacaan.
mirrijin eeg mirriji.
mirriq Godol yar oo ku soo dhaca candhada neef hore loo maalay marka la salaaxo dharaq.
mirriqsad ld mirriqsasho.
mirriqsasho eeg mirriqso. ld mirriqsad, mirriqsi.
mirriqsi ld mirriqsasho.
mirriqso Neef mirriq ka maalid.
miryaad (1) ld maryaadid.
miryaad (2) ld maryaad².
miryaadi ld maryaadi.
miryaadid ld maryaadid.
miryaadin ld maryaadin.
miryaadis ld maryaadin.
misaal Wax, wax kale tusaale ahaan loogu qaato. ld masaal, mataal, mitaal.
misana Laakiin, ha ahaatee. Tus. “Afka carabiga wuu fahmayaa, misana kuma hadli karo”. ld misna.
misbaax Faynuus, siraad. ld musbaax.
miscilil (1) 1. Irridda xerada. 2. Xoolaha labada dhinac ka xiga ee ay ood-afadu korka ka qabato. 3. Ood astaan ahaan loo dhigto jabad si aan cid kale u degin. ld miscirir.
miscilil (2) Xero miscilil u sameyn ood astaan ahaan jabad u dhigid.
miscililasho eeg miscililo.
miscilili 1. Xero miscilil u yeelid. 2. Ood booscelis ah samayn.
miscililid eeg miscilil².
miscililin eeg miscilili.
miscililo Xero miscili u yeelasho.
miscililsan Wax la miscililay ahaansho (xero).
<< < 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 > >>

 

Exit mobile version