madax-adkaansho ld madax-adkaan.
madax-araxley ld madax-adhaxley.
madax-xanuun (daaw.) Xanuun madaxa ku dhaca; madax-wareer. ld madaxwareer.
madax-xige Miisaaniyadda dawladda iwm qaybta ay u sii kala baxdo mid ka mid ah oo la sii qaybshay middood.
madaxbannaan 1. Hay'ad iwm oo danahooda u xor ah ahaansho. 2. Haweeney aan nin lahayn ahaansho. 3. Dawlad calan leh oo xor ah ahaansho.
madaxbannaanaan eeg madaxbannaan. ld madaxbannaanaansho, madaxbannaani.
madaxbannaanaansho eeg madaxbaannanow. ld madaxbannaanaan.
madaxbannaani ld madaxbannaanaan.
madaxbannaanow 1. Ka m.: hawl iwm fulinteeda xor u noqosho. 2. Ka m.: cid cid kale maamulkeeda, xukunkeeda iwm ka xor noqosho.
madaxbuq (bot.) Geedgaab faallala oo leh laamo jilicsan iyo bari weyn oo dharka lagu mayrto; maskaxbuq; qasanqas; madaxbushi. ld madaxbushi, maskaxbuq.
madaxbushi ld madaxbuq.
madaxee 1. Kubbad madaxa ku dhufasho. 2. Shir iwm hoggaamin (qof).
madaxeyn eeg madaxee.
madaxfalluuq Caro iyo dulqaad yari qof dabeecad u leeyahay.
madaxfarad Wareer iyo xanuun dadka madaxa ka qabta.
madaxfareed ld maskaxfareed.
madaxfurad 1. (-dyo, m.dh) Hanti iwm oo lagu furto qof la qafaalay. 2. ld madaxfurasho.
madaxfurasho eeg madaxfuro. ld madaxfurad (2).
madaxfuro Qof la qafaalay hanti ku soo furasho.
madaxkuti 1. Dugaag naasleyda ka mid ah oo leh dhogor duf ah, cago balballaaran iyo dabo aad u gaaban, kuna nool dhulka qaboobaha ah. 2. Sheeko khayaali ah oo ku saabsan naag hal jirtay oo dadka aaminsanaa in ay habeenkii soo bixi jirtay oo dadka cuni jirtay.
madaxla' 1. Waddo yar oo markii waxyar lagu socdo dhammaato. 2. Jeex wax yar markuu socdo dhamaada.
madaxmaygaag Geedgaab xooluhu daaqaan oo ka baxa cadduunka.
madaxnimo Madax ahaansho (qof). ld madaxti, madaxtinnimo.
madaxsalaax U m.: cid sasabid.
madaxsalaaxid eeg madaxsalaax.
madaxshub 1. Sadaqo loo bixiyo qof haween ah oo dhintay. 2. Allabbari haweenku bixiyaan marka ay soo sid-dhaweeyaan; kuraysi; taraaraysi; sagaalaysi.
madaxti ld madaxnimo.
madaxtinnimo ld madaxnimo.
madaxtooyo Rugta uu madaxweynuhu fadhiisto.
madaxtus1 1. Tegidda la tago meel hawl laga hayo iyadoo aan la doonayn in laga qayb qaato. 2. Kormeer aan toos ahayn oo cid hawl haysa lagu sameeyo. ld madaxtusid.
page : 1000 of 1584
<< < 995 996 997 998 999 1000 1001 1002 1003 1004 1005 > >>