Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
marqaan2  Qaad cuniddiisa farxad iyo firfircooni ka helid (qof). ld murqaan². marqaansan  Wax marqaamay ahaansho (qof). ld murqaansan.
marqaansanaan  eeg marqaansan. ld marqaansanaansho, murqaansanaan, murqaansanaansho.
marqaansanaansho  eeg marqaansanow. ld marqaansanaan.
marqaansanow  Wax marqaamay noqosho (qof). ld murqaansanow.
marqaansii  ld marqaami.
marqaansiin  ld marqaamin.
marqaansiis  ld marqaamin.
marqaati  ld markhaati.
marqafur  Geed-saar geelu aad u jecelyahay, marqammayr. ld marqammayr.
marqammayr  ld marqafur.
marqan  Wax maraq naasaheeda ku xiran yahay ahaansho (halirmaan). ld maraqsan.
marqanaan  eeg marqan. ld maraqsanaan, maraqsanaansho, marqanaansho.
marqanaansho  ld marqanaan.
marqasho  eeg marqo. ld maraqsad, maraqsasho.
marqi  1. Hal naasaha ka marid. 2. Hilib maraq u yeelid.
marqid  eeg maraq².
marqin  eeg marqi. ld marqis.
marqis  ld marqin.
marqo  Hal irmaan afarteeda naas oo dhan ama qaar ka mid ah marasho, si aan loo nuugini ama loo lisin. ld maraqso.
marra  ld mar¹.
marras  Dadka intiisa jilicsan sida carruurta, odayada iyo masaakiinta.
marre  (dii.) Qur'aanka caddaddiisa (114) oo hal mar la akhriyo. ld marro (2).
marriimid  eeg marriin². ld marriin¹ (4).
marriin1  1. Dharka haweenka. 2. Daliig midab leh oo maro marsan. 3. Qalab haweenku isku qurxin darteed u gashadaan. 4. ld mariimid. marriin2  1. Qof haween ah dhar ay xirato u gadid. 2. Maro daliig midab leh ku qurxin. 3. Maro, darin iwm midabbo u yeelid. marro  1. Jilib qabiilo. 2. ld marre.
marsad  ld marasasho.
marsan  1. (f.g) Haweenay maro ay xirantahay wax dhexda ka xiran ahaansho. 2. (f.mg) Wax midab, dufan iwm meel laga mariyey ahaansho. 3. (f.mg) Maro, darin iwm oo liid midabo ah lagu qurxiyey ahaansho.
marsanaan  eeg marsan. ld marsanaansho.
page : 1037 of 1584
<< < 1032 1033 1034 1035 1036 1037 1038 1039 1040 1041 1042 > >>

 

Exit mobile version