masaariif Lacag joogto ah oo hal beri la biishado; biil. ld masruuf¹.
masaaxad 1. Masaaxo; bed. 2. Tirtire; goome.
masaaxo ld masaaxad (1).
masabbid (1) Ku nabidda cid fal aanay samayn dusha laga saaro.
masabbid (2) Cid fal aysan samayn ku nabid.
masabbidan Wax la masabbiday ahaansho (qof).
masabbidasho eeg masabbido.
masabbidid eeg masabbid².
masabbidnaan eeg masabbidan. ld masabbidnaansho.
masabbidnaansho ld masabbidnaan.
masabbido Cid fal aanay samayn ku nabid.
masacagaley (c.nafl.) Masalugaley xammaarato weyn caws ku nool ah, oo socodka yaxaaska uga eg, oo leh maqaar adag, iyo afar addin oo aan nafleyda qaniin, sunna lahayn. ld mansacagaley, mansalugaley, mansalugooley.
masaf (1) Weel leh af ballaaran iyo dabo dhuuban oo daloosha oo hoorayaasha ku shuba weelasha afka dhuuban; dublad.
masaf (2) Saxan weyn oo caw, qabo iwm laga tolay, oo badarka la tumay lagu hufo; xaarin.
masafo Nooc ka mid ah maansada oo wadaaddada khaas u ah.
masaggo ld meseggo.
masal (1) 1. Tusaale. 2. M.kayga, m.kaaga iwm: wax, wax kale kala mid ah xagga dhaqanka, jimirka, dhererka iwm. ld masil¹, matal¹, matil¹, mesel¹, metel¹.
masal (2) 1. (riw.) Filim, riwaayad iwm jilid. 2. Cid wakiil ka noqosho. 3. Ku m.: wax, wax kale ku qiyaasid. ld masil², matal², matil², mesel², metel².
masalaggaab M. ah: nin aan cilmi badan lahayn.
masalan Tusaale ahaan, misaal ahaan. ld matalan.
masalid eeg masal². ld masilid, matalid, matilid, meselid, metelid.
masallaf (1) ld musallif¹.
masallaf (2) ld musallif².
masallafi ld musallifi.
masallafid ld musallifid.
masallafin ld musallifin.
masallafsan ld musallifsan.
masallafsanaan ld musallifsanaan.
masallafsanaansho ld musallifsanaan.
masalle Salli maqaar ka samaysan oo qaabab kala duwan leh.
<< < 1037 1038 1039 1040 1041 1042 1043 1044 1045 1046 1047 > >>